Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.59 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 122.21 billion.

- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 44% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.

- Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $111.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 57.48 billion.

- Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $79,952.21
- Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,302.89
- Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $619.14
- Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $84.82.
- Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.38.
⚖️2. Xeerarka & Sharciyada (Regulation)
- Hong Kong ayaa markii ugu horreysay bixiysay shatiyada lacagaha xasiloon (Stablecoins), iyagoo gudoonsiiyay bangiyada waaweyn ee HSBC iyo Standard Chartered, taasoo guul muhiim ah u ah xarunta Crypto ee Aasiya.
- Maxkamad ku taal Maraykanka ayaa u ogolaatay in la sii wado kiis dacwada (SEC) ay ku soo oogtay Coinbase, oo lagu eedeeyay inay iibiyeen hanti aan diiwaangashanayn. Arrintan ayaa welwel hor leh ku abuurtay shirkadaha sarrifka ee Maraykanka.
- Ganacsato badan ayaa maanta dareemaya cadaadis iib maadaama ay ahayd shalay maalintii ugu dambaysay ee bixinta canshuuraha Maraykanka (April 15).
🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
- Shirkadda Strategy ayaa shaacisay iib kale oo gaaraya 13,927 BTC oo ku kacay $1 Bilyan. Tani waxay mar kale xaqiijinaysaa aaminaadda baaxadda leh ee maamulahooda Michael Saylor.
- In kasta oo qiimaha BTC uu kordhay, sanduuqyada Bitcoin ETF-yada ee Maraykanka ayaa diiwaangeliyay in lala baxay hanti dhan $291 Milyan maanta, taas oo muujinaysa in ganacsatada ay macaashkooda la baxayaan.
🪙4. Coins-ka Cusub & Token-ada
- In kasta oo uu jiro taageero uga imaanaysa dhanka Elon Musk, Dogecoin ayaa ku dhibtoonaya inuu jebiyo iska-caabinta adag ee $0.10, maadaama awoodda Iibsiga ay daciiftay.
- Lacagta VICKY ayaa samaysay kobac dhan 22% kadib xog ku saabsan in aasaasaha Ethereum uu saamayn ama xiriir ku leeyahay mashruucan.
🐋5. Maalgashiga “Whales” (Whale Investments)
- Xogta on-chain ayaa muujinaysa in nibiriyada waaweyn ay maalin qura urursadeen in ka badan 27,652 BTC, taas oo muujinaysa in iyaga aysan daneyneyn iibka degdegga ah ee macaashka doonka ah.
- Nibiriyada ayaa si xawli ah u iibsanaya XRP, iyagoo kor u qaaday xajmiga ganacsiga una riixaya iska-caabinta ku xigta kadib isku-dubarid muddo dheer soo socday.
⛓️6. Tiknoolajiyadda Blockchain
- Warbixin cusub oo soo baxday saaka ayaa diiradda saartay khatarta “Kombiyuutarrada Quantum-ka” ay ku yeelan karaan Cryptocurrency iyo Blockchain.
🤖7. AI & Web 3.0
- Mashruuca 0G Labs ayaa soo bandhigay madal cusub oo macaamiishu ay si sahlan ugu horumarin karaan aaladaha AI iyagoo dul dhisaya kaabayaasha Blockchain-ka (Web3).
🚨 8. Amniga
- Shirkadda bixisa ATM-yada Crypto ee Bitcoin Depot ayaa xaqiijisay in weerar dhanka internet-ka ah looga xaday hanti qiimaheedu gaarayo $3.7 Milyan dabayaaqadii bishii hore.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


