Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 23-ka Diseembar 2025

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.97 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 2.34%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 29% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi ka jirto.

In ka badan $228.61M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $192.98M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Michael Selig oo taageera Kiribto ayaa si rasmi ah loogu dhaariyey inuu noqdo Guddoomiyaha 16aad ee CFTC.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

IMF ayaa sheegtay in dhaqaalaha El Salvador uu korayo si ka dheereeya sidii la filayay, iyadoo GDP-ga la saadaalinayo inuu gaadho ku dhowaad 4% sanadkan.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Dhammaan ETF-yadu waxay heleen maalgashi cusub shalay marka laga reebo ETF-yada Bitcoin oo iyagu celcelis taban ku jira.

BTC: -$142.19M
ETH: $84.59M
SOL: $7.47M
XRP: $43.89M

 🪙4. Coins- ka Cusub ee Suuqa la filaayo in la keeno

B. Neurvona (NEURVONA)
Waxaa si cusub loogu daray suuqa ku dhawaad13 saac kahor waxa uun aku dhisan yahay shabakadda Solana

  • Waa dhaqaaq firfircoon yahay, laakiin khatar sare ayuu leh

T. The Mogger (MOGGER)
Waxaa si cusub loogu daray suuqa ku dhawaad 14 saac kahor waxa uuna ku dhisan yahay shabakadda Solana

  • Mug ganacsi oo weyn ayuu leeyahay.

J. Kodiak Finance (KDK)
Waa Token loo qorsheeyay in maanta lagu daro Gate.io (KDK/USDT)

  • Ka filo dhaqaaq xooggan marka la sii daayo mashruuca.

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Aasaasaha Aave, Stani Kulechov, ayaa iibsaday 32,660 kale oo $AAVE ah (oo qiimahoodu yahay $5.15M), taasoo wadarta uu ururiyey toddobaadkan gaadhsiisay 84,033 token oo qiimahoodu yahay $12.6M.

Qof qota Bitcoin keligiis (solo miner) ayaa si guul leh u qoday (Mined) block-ga Bitcoin ee lambarkiisu yahay 928985, isagoo helay abaalmarin dhan 3.128 $BTC, taas oo qiimaheedu ku dhow yahay $281,000.

Shirkadda Trump Media ayaa iibsatay 451 $BTC oo qiimahoodu yahay ku dhawaad $40 milyan, taasoo ka dhigaysa wadarta Bitcoin-keeda 11,542 $BTC (qiyaastii $1 bilyan).

🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Bybit ayaa joojinaysa u adeegidda dadka degan Japan laga bilaabo 2026, si ay ula jaanqaaddo shuruucda dawladdaas oo markaas kadib ay adeegga furi doonto.

Hyperliquid ayaa hoggaanka u haysa qiimeynta mugga ganacsiga perpetual-ka 24-saac ah iyadoo gaadhay $6.184B, waxaana ku xiga Lighter oo leh $5.809B.

Mashruuca Kiribto ee qoyska Trump, World Liberty Financial, ayaa u dhammaaday 2025-ku iyadoo token-kiisa WLFI uu hoos u dhacay in ka badan 40%.

🤖 7. AI iyo Web 3.0

Shirkadaha waaweyn ee Shiinaha ayaa u tartamaya si ay u yareyaan farqiga u dhaxeeya iyaga iyo kaabayaasha AI ee shirkadaha Mareykanka. Sida la sheegay, ByteDance waxay qorsheyneysaa inay ku kharash garayso qiyaastii $23 bilyan sanadka soo socda, iyada oo diiradda la saarayo chips, xarumaha xogta, iyo horumarinta moodeellada si kor loogu qaado awoodda tartan ee dalka Shiinaha.

🔗 8. Tiknooloojiyadda Blockchain

JPMorgan Chase waxay qiimeyneysaa suurtagalnimada inay siiso adeegyada ganacsi ee Kiribto (oo ay ku jiraan spot iyo derivatives) macaamiisheeda hay’adaha ah. Inkastoo qorshuhu weli yahay bilow oo aan la dhamaystirin, tallaabadani waxay muujinaysaa la-qabsiga sii kordhaya ee suuqyada ku saleysan blockchain ee bangiyada waaweyn ee Wall Street.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article