Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 24-ka Diseembar 2025

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.95 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 0.64%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 27% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi ka jirto.

In ka badan $235.37M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $169.47M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Bhutan waxay si hoos ah u dhisaysaa mashruuc ay ku magacawday “dhaqaalaha Bitcoin ee cagaaran” oo dawladdu taageerto, iyada oo adeegsanaysa korontada dheeraadka ah oo ka timaadda tamarta biyaha si ay u qoddo $BTC iyadoo la raacayo xeerar adag oo nidaaminaya.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

Golaha Midowga Yurub (EU Council) ayaa ansixiyay naqshadda digital euro ee Bangiga Dhexe ee Yurub (ECB), waana jiri doona noocyo online ah iyo kuwo offline ah.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada $SOL iyo $XRP waxay heleen maalgashi cusub shalay, halka ETF-yada Bitcoin iyo Ethereum ay iyagu celcelis taban ku jiraan.

BTC: – $188.64M
ETH: – $95.53M
SOL: $4.2M
XRP: $8.19M

 🪙4. Coins- ka Cusub ee Suuqa la filaayo in la keeno

B. KGST (KingStarter Token)
Waxaa maanta lagu liis-gareeyay Binance — ganacsigu hadda wuu socda Binance iyadoo la isticmaalayo lammaanaha KGST/USDT.

T. AUDX (Aussie Dollar Token)
Si cusub ayaa maanta loogu daray (~5 saacadood ka hor) liiska cusub ee CoinCodex.

J. COPM (COP Minteo)
Token kale oo cusub ayaa maanta lagu daray (~5 saacadood ka hor) liiska CoinCodex.

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Bitmine oo uu leeyahay Tom Lee ayaa maanta ku dartay kaydkeeda 67,886 $ETH oo qiimahoodu yahay $201 milyan.

Aasaasaha Trend Research, Jack Yi, ayaa sheegay in ay diyaarinayaan $1 bilyan oo kale si ay u iibsadaan $ETH, isla markaana uu si xoog leh uga digay in la short-gareeyo $ETH.

Shirkadda Trump Media ayaa dhaqaajisay 2000 $BTC oo ku dhow $175M.

🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Qiime suuqeedka stablecoins-ka ayaa gaadhay meeshii ugu sarreysay abid oo ah $310B.

Maamulaha Coinbase, Brian Armstrong ayaa sheegay inuu jiro la qabsi 402-laab ah oo Kiribto lala qabsanayo, isagoo suurto-geliyay macaamilo ka badan $50 milyan 30-kii maalmood ee la soo dhaafay.

Mashruuca orkestrada tooska ah ee Brazil ayaa heshay oggolaansho si ay u beddesho dhaqdhaqaaqa qiimaha Bitcoin muusig si “live” ah u baxi doona.

Mashruucu wuxuu adeegsadaa algorithm u roga xogta suuqa (Bitcoin) laxan iyo garaac muusig.

Coinbase ayaa hadda aqbalaysa la bixidda iyo dhigashada $SOL iyada oo la adeegsanayo shabakadda Base.

🤖 7. AI iyo Web 3.0

Waxaa ka dhex qarxay khilaaf maamuulayaasha AI-ga, gaar ahaan u dhexeeya Maamulaha guud ee Google AI Demis Hassabis iyo saynisyahanka ugu sarreeya ee Meta, Yann LeCun. Khilaafku wuxuu ku saabsan yahay in Artificial General Intelligence (AGI) uu yahay yool macno leh oo la gaadhi karo — iyadoo Hassabis uu ku tilmaamay fikirka LeCun “mid si cad u qalad ah.” Tani waxay muujinaysaa kala qaybsanaanta falsafadeed iyo istiraatiijiyadeed ee sii kordheysa ee ka dhex jirta maamullada waaweyn ee AI-ga.

☢️ 8. Xogta dhaca crypto

Khasaaraha ka dhashay dhaca iyo khiyaanooyinka ayaa sanadkan dhaafay $3.35 bilyan, sida ay sheegtay CertiK.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article