Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.95 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.28%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 28% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi ka jirto.
In ka badan $121.75M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $66.09M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Hong Kong waxay horay u sii wadday hirgelinta shuruudaha shati-bixinta ee ganacsatada hantida dhijitaalka ah (virtual assets) iyo hay’adaha keydiya (custodians), taas oo ballaadhinaysa nidaamka sharciyeedka si uu uga gudbo kaliya soo-saareyaasha stablecoin-yada oo Kiribto u wada gaadho.
Dawladda Philippines ayaa bilowday inay xannibto Coinbase iyo Gemini sababo la xidhiidha shati la’aan ay sharci ka haysan dalkaas oo looma oggola inay u dhaqmaan Virtual Asset Service Provider (VASP) ahaan.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
ETF-yada $SOL iyo $XRP waxay heleen maalgashi cusub shalay, halka ETF-yada Bitcoin iyo Ethereum ay iyagu celcelis taban ku jiraan.
BTC: – $175.29M
ETH: – $52.7M
SOL: $1.48M
XRP: $11.93M
🪙4. Coins- ka Cusub ee Suuqa la filaayo in la keeno
B. AssetX Labs ($AXLT)
- Ganacsiga tooska ah wuxuu ka bilaabanayaa maanta MEXC oo leh AXLT/USDT.
T. Mameshiba ($MAME)
- Coinstore ayaa lagu soo darayaa maanta iyadoo ganacsiga MAME/USDT uu toos noqonayo 9:00 habeennimo ee xilliga bariga Afrika.
J. SPACE ($SPACE)
- Qoditaanka ka horreeya ka ganacsiga (Pre-market Minting) iyo ka ganacsiga ayaa ka bilaabanaya maanta BitMart (SPACE/USDT), iyadoo isticmaalehu uu USDT u kaydsan karo tokens-ka hore, ka hor inta si buuxda loo soo galin spot-trading-ka.
🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Shirkadda Circle ayaa daabacday $120M oo $USDC isla markiina way gubtay (Burned).
🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Samson Mow, maamulaha Jan3, ayaa yidhi: “Qof kasta oo si dhab ah u fahma Bitcoin, marnaba ma rabo in uu yeesho Bitcoin yar.”
Ondo Finance waxay qorsheyneysaa inay bilowdo saamiyada Mareykanka iyo ETF-yada la token-gareeyay ee ku shaqeeya shabakadda Solana horraanta 2026, iyadoo la adeegsanayo hanti si buuxda u keydsan (custody-backed) iyo wareejin on-chain ah oo 24/7 ah.
CZ ayaa xusuusiyay maalgashadayaasha in dadkii hore u iibsaday Bitcoin aysan sugin heerarka ugu sarreeya inay gaadho (all-time highs), isagoo xusay in “ay iibsadeen marka ay jireen cabsi, hubanti-la’aan iyo shaki.”
Anthony Pompliano ayaa yidhi “mustaqbalka maaliyaddu waa AI + Bitcoin, isagoo xusay in $BTC ay muujinayso isbeddel fiican, horumar xooggan oo muddo dheer jiri kara, iyo dalab sii kordhaya oo ka imanaya hay’adaha maalgashiga”.
🤖 7. AI iyo Web 3.0
Opendoor oo ah shirkad weyn oo tiknoolajiyadda guryaha ku shaqeysa ayaa qayb ka mid ah ganacsigeeda u leexinaysa xalalka ku shaqeeya AI, oo ay ku jiraan isticmaalka AI si loo hagaajiyo qiimeynta guryaha amaah ahaan lagu iibsado (Mortgage), fahamka macaamiisha, iyo fududaynta howlgallada wax iibsi. Falanqeeyayaasha ayaa sidoo kale dib u habeyn ku sameynaya saadaasha maaliyadeed iyadoo shirkaddu xoogga saarayso awooddeeda AI.
🔗 8. Tiknooloojiyadda Blockchain
Cilmi-baadhayaasha blockchain-ka iyo khubarada Bitcoin waxay iftiiminayaan in horumarka kombuyuutarka quantum uu mustaqbalka halis dhab ah u keeni karo sirta blockchain-yada hadda jirta. Halka amniga blockchain-ka caadiga ah uu ku tiirsan yahay xisaabta adag (sida hashing), mashiinnada quantum ayaa laga yaabaa inay si ka dhakhso badan u xalliyaan caqabadahaas sirta ah — taasoo dhalinaysa dood ku saabsan baahida loo qabo borotokoollo u adkaysanaya quantum computers-ka oo dhan.


