Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 1-da Janaayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Dhammaan walaalaha nagala socda barteennan GelleCrypto waxaan uga mahad-celinaynaa sida wanaagsan ee ay innoo dhiirigelinayaan aad ayaad u mahadsan tihiin, SANNAD WACAN OO WANAAGSAN.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.98 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 0.85%.

Bitcoin waxay ku soo xidhay sanadka 2025 iyada oo hoos u dhac 8% ah ku jirta, kuna joogta $87,600, taasoo ka dhigtay sannadkeedii ugu horreeyay ee khasaaro ah tan iyo 2022-kii.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 31% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi ka jirto.

In ka badan $227.86M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $156.25M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Senator Lummis ayaa tidhi, “Sharciga ka Mas’uulka ah Horumarinta Maaliyadeed ee 2026 wuxuu u oggolaanayaa bangiyada waaweyn inay bixiyaan ilaalinta hantida dhijitaalka ah, staking, iyo bixinta lacagaha iyagoo ku jira kormeer habboon.”

Wakiil ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka Warren Davidson ayaa ka digay in sharciga cusub ee diiradda saaraya stablecoins ee loo yaqaan GENIUS Act uu khatar ku yahay inuu Mareykanka ka dhigo “dawlad shacabka basaasta (surveillance state)”.

Wuxuu ku doodayaa in sharcigan uu furi karo waddo lagu hirgeliyo CBDC-yo (lacag dhijitaal ah oo bangiga dhexe leeyahay) iyo nidaamyo aqoonsi dhijitaal ah, kuwaas oo ka qaadi kara muwaadiniinta Mareykanka xorriyadda dhaqaale iyo asturnaanta xogtooda.

Dawladda UK ayaa bilaawday olole ballaadhan oo ka dhan ah ka-baxsiga canshuurta Kiribto maadaama xeerar cusub oo dhinaca warbixin gudbinta ah ay dhaqan galeen.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada $SOL iyo $XRP waxay heleen maalgashi cusub shalay, halka ETF-yada Bitcoin iyo Ethereum ay lumiyeen maalgashi.

BTC: -$348.10M
ETH: -$72.06M
SOL: $2.29M
XRP: $5.58M

🪙4. Coins- ka Cusub ee Suuqa la filaayo in la keeno

Trump Media waxay qorsheynaysaa inay soo saarto oo qaybiso token cusub oo ay heli doonaan saamileyda, sidoo kale waxay siin doontaa cidda adeegsata barnaamijyadooda sida Truth Social.

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda Tether ayaa iibsatay 8,888.89 $BTC rubuca afraad ee 2025, sida uu sheegay CEO Paolo Ardoino.

Maalgashadayaasha Kuuriyada Koonfureed ayaa iibsaday $1.4B oo saamiyada BitMine ah sanadkii 2025, sida uu sheegay wargayska Bloomberg.

🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Shirkadda Strategy waxay sii waddaa iibsashada Bitcoin xilliyada suuqu hoos u dhacayo, iyada oo adeegsanaysa suuqyada saamiyada iyo kaydkeeda, waxayna dhawaan iibsatay 10,645 $BTC oo qiimahoodu yahay $980 milyan.

Tom Lee wuxuu tusaale u soo qaadanayaa korodhka xawliga leh ee lacagta qalinka (Silver) iyo dahabka si uu u muujiyo in shaki laga qabo hantida dhijitaalka ah ee 2026 uu khaldan yahay.

Dhaqdhaqaaqa dahabka ayaa hogaamiya Kiribto ” ayuu raaciyay.

Binance waxay sheegtay in tirada guud ee isticmaalaheeda caalamiga ah ay ka badan tahay 300 milyan sannadka 2025, iyadoo guud ahaan mugga ganacsiga uu gaadhayo qiyaastii $34 tirilyan.

🤖 7. AI iyo Web 3.0

Warbixin ayaa muujinaysa in shirkadaha cusub ee AI ee caalamiga ah ay sanadkii hore ay heleen maalgashi ah qiyaastii $150 bilyan oo ah ku dhawaad laba jibbaar rikoodhkii hore. Kordhintan waxay muujinaysaa kalsoonida sii socota ee maalgashadayaasha AI inkastoo suuqu uu yahay mid is-beddelaya.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article