Sannadkii 2025, dunida lacagaha dhijitaalka ah (Kiribto) waxay soo martay marxalad kala guur ah oo aad u xiiso badan. Waxa ay ahayd sannadkii bilashada mashruucyada DeFi. halka sannadihii ka horreeyay ay ahaayeen kuwo lagu sifeeyay xamaasad aan sal lahayn iyo mashruucyo fashilmay, 2025 wuxuu ahaa sannadkii la kala saaray runta iyo beenta. Haddaba, sannadkaan cusub ee 2026, waxaa muuqata in masraxa loo diyaarinayo dib-u-kicinta weyn ee nidaamka Maaliyadda Baahsan (DeFi – Decentralized Finance).
Laba shabakadood (Blockchains) ayaa si gaar ah u qaatay doorkaan hoggaamineed: Ethereum iyo Solana.
Ethereum — Saldhigga maaliyadda baahsan ee caalamiga ah
Ethereum waxa uu muddo dheer ahaa boqorka DeFi, laakiin sannadkii 2025 wuxuu ahaa sannadkii uu helay aqoonsi caalami ah. Waxaa dhacay laba isbeddel oo waaweyn oo Ethereum ka dhigay laf-dhabarta maaliyadda casriga ah.
1. la qabsiga Hay’adaha Waaweyn (Institutional Adoption)
Sannadkii 2025, sheekada ugu weyn ee Ethereum ma ahayn oo kaliya qiimaha lacagta Ether (ETH), balse waxay ahayd cidda isticmaalaysa shabakadda. Waxaa adeegsaday Wall Street iyo bangiyada caalamiga ah.
- Ansixinta (ETFs-ka) Ethereum waxay albaabada u furtay maalgashadayaasha. Tani waxay meesha ka saartay shakigii ku jiray sharciyada iyo amniga Ethereum. Hay’adaha maaliyadeed hadda uma arkaan Ethereum mashruuc tijaabo ah, balse waxay u arkaan hanti (Asset Class) la mid ah dahabka ama saamiyada tiknoolajiyadda.
- 2025 wuxuu ahaa sannadkii “Tokenization-ka.” Hay’adhaha waaweyn sida BlackRock iyo JP Morgan ayaa bilaabay inay tijaabiyaan, qaarkoodna si rasmi ah ayay u bilaabaan, in hantida dhabta ah (sida daymaha dowladda (bonds), guryaha, iyo saamiyada) lagu diiwaangeliyo shabakadda Ethereum. Tani waxay caddeyn u tahay in Ethereum uu noqday “Internetka Maaliyadda” (Internet of Money).
2. Horumarka Ballaarinta iyo Miisaanka (Scaling Progress)
Caqabadda ugu weyn ee haysatay Ethereum sannadihii hore waxay ahayd kharashka gaaska (Gas fees) oo aad u sarreeya iyo xawaaraha oo gaabis ah marka shabakaddu mashquul tahay. 2025, dhibaatadaas si weyn ayaa wax looga qabtay.
- Guusha Layer 2, Shabakadaha dul-saaran Ethereum ee loo yaqaanno Layer 2s (sida Arbitrum, Optimism, Base, iyo zkSync) ayaa qaatay doorka fulinta macaamilka. Sannadkii 2025, tiknoolajiyadda Proto-Danksharding (EIP-4844) ayaa si buuxda u dhaqan gashay, taasoo kharashka L2-yada ka dhigtay mid aad u jaban (in ka yar $0.01 halkii macaamil). Isticmaalaha hadda uma baahna inuu ka walwalo kharashka badan ee Ethereum, maadaama inta badan codsiyada DeFi ay u guureen Layer 2.
Solana— hagaajinta xawaaraha iyo adkaynta kaabayaasha
Haddii Ethereum uu ahaa “Bankiga” sannadkii 2025, Solana waxay ahayd “Suuqa Ganacsiga Xawaaraha Sare leh.” Solana waxay la kulantay caqabado, laakiin waxay u beddeshay fursado ay ku xoojiso awooddeeda.
1. Tijaabada Cadaadiska Shabakadda (Stress-Testing)
Sannadkii 2025, Solana waxay wajahday caqabado is-daba-joog ah oo isticmaal aad u sarreeya. Tani ma ahayn mid ka timid hay’ado waaweyn oo kaliya, balse waxay ka timid isticmaalayaasha yaryar (Retail users) iyo xamaasadda suuqyada “Memecoins” iyo ciyaaraha (Gaming).
- Shabakada Solana waxay diiwaangelisay tiro macaamil maalinle ah oo dhaaftay dhammaan shabakadaha kale la isku daray maalmo badan. Cadaadiskan wuxuu ahaa tijaabo dhab ah. Halka sannadihii hore (2022-2023) ay Solana marar badan hawada ka bixi jirtay (Outages), 2025 wuxuu ahaa sannadkii ay shabakaddu muujisay adkeysi sare.
2. Adkeynta Kaabayaasha (Infrastructure Hardening)
Guusha ugu weyn ee Solana ee 2025 ma ahayn qiimaha SOL, ee waxay ahayd horumarka farsamo ee gadaal ka socday, gaar ahaan mashruuca Firedancer.
- Firedancer Client, waa nooc cusub oo software ah oo loo sameeyay inuu ku shaqeeyo Solana, kaas oo ay dhistay shirkadda ganacsiga xawaaraha sare ee Jump Crypto. Firedancer wuxuu ballan-qaaday inuu kordhin doono awoodda Solana ilaa 1 milyan oo macaamil ilbiriqsi kasta (1M TPS). Sannadkii 2025, tijaabooyinkii beta ee Firedancer waxay muujiyeen in dhibaatadii “Ciriiriga” (Congestion) ee Solana la xaliyay.
Isbarbardhigga (Ethereum vs Solana)

Si aan u fahanno sababta 2026 u noqon doono sannadkii “Dib-u-kicinta DeFi,” waa inaan si qoto dheer u fahannaa sida labadan Blockahain u kala duwan yihiin, haddana isku ujeeddo u yihiin.
Ugu horreyn, xagga Falsafadda, Ethereum (oo kaashanaysa shabakadaha L2s) wuxuu xooga saarayaa amniga, baahinta maamulka (Decentralization), iyo nidaam lakabyo kala duwan leh. Halka Solana ay ku dhisan tahay falsafad ka duwan oo ah xawaare aad u sarreeya, kharash aad u jaban, iyo nidaam hal lakab oo mideysan (Monolithic) halkii ay kala daadsanaan lahayd.
Isbarbardhiggan wuxuu ina tusayaa in aanay jirin “Ethereum Killer” ama “Solana Killer.” Labadooduba waxay leeyihiin door kala duwan. Ethereum waa sida magaalada New York oo kale—waa xarunta ganacsiga, way qaali tahay laakiin waa meesha ugu amniga badan ee lagu kaydiyo hanti bilyaan ah. Solana waa sida Internet-ka Xawaaraha Sare (Fiber Optic)—waxay u ogolaanaysaa in macluumaad iyo qiimo lagu kala diro xawaare ilbiriqsi ah oo aan kharash lahayn.
Kicinta DeFi “DeFi-Reboot 2026 — Maxaa Soo Socda?
Mawduuca ugu muhiimsan ee maqaalkeenu waa: Dib-u-kicinta DeFi (The DeFi Reboot). Maxay tani uga dhigan tahay isticmaalaha caadiga ah iyo maalgashadaha sannadka 2026?
Sannadihii hore ee DeFi (tusaale DeFi Summer 2020), inta badan mashaariicdu waxay ku dhisnaayeen dhiirigelin rajo la’aan ah (Ponzi-nomics) iyo faa’iidooyin aan waari karin. Laakiin 2026, DeFi waxay ku soo laabanaysaa iyada oo ka duwan, ka xoog badan, kana waxtar badan sidii hore, taasoo ay ugu wacan tahay aasaaskii la dhigay 2025.
1. xalinta furaha sirta iyo horumarinta xawaaraha.
Ethereum wuxuu xaliyay “Account Abstraction” halka Solana ee xooga saartay xawaaraha, isticmaalayaasha 2026 uma baahnaan doonaan inay maamulaan furayaal sir ah oo adag (Private Keys) ama ay ka walwalaan gaaska.
2. Isku-dhafka Dhaqaalaha Dhabta ah (Real Economy Integration)
DeFi-ga 2026 ma noqon doono kaliya lacagaha dhijitaalka ah oo la isku weydaarsado.
- Lacagaha xasiloon Stablecoins (sida USDC iyo PYUSD) waxay noqon doonaan fududeeyaasha ganacsiga caalamiga ah, iyaga oo ku shaqeynaya Solana xawaareheeda iyo amniga Ethereum.
3. DePIN (Decentralized Physical Infrastructure Networks)
Solana waxay si gaar ah u hoggaaminaysa qeybtan. waa halka blockchain ay kala kulanto dunida dhabta ah — sida shabakadaha WiFi iyo kaydinta xogta (storage).


