Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 18-ka Janaayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta 3.22 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 0.18%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 49% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $96.2M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $55.90M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Aqalka Cad wuxuu sheegay in keyd Bitcoin oo uu Mareykanku yeesho uu weli yahay mid mudnaan leh, balse sharciyo aan cadcaddeyn oo hay’adaha dowladda ay ansixinayaan ayaa dib u dhigaya hirgelintiisa.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

Moldova waxay hirgelin doontaa xeerar Kiribto oo u eg MiCA sanadka 2026, kuwaas oo sharciyeynaya lahaanshaha iyo ka ganacsiga hantida dhijitaalka ah, balse aan oggolaan doonin in loo isticmaalo bixinta lacagaha.

Madaxweyne Trump ayaa ansixiyay sharci dhigaya canshuur dhan 500% oo lagu soo rogi doono Midowga Yurub sababo la xidhiidha iibsashada saliidda Ruushka.

🪙 3. Coins-ka & Token-ada Cusub

B. MovieDOM (MDOM)

Waxaa maanta lagu liis-gareynayaa MEXC iyo AscendEX.

T. Jimmy Boss Collective (JBC)

Waxaa maanta lagu liis-gareynayaa is-weydaarsiyada MEXC iyo GroveX.

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda cuntooyinka degdegga ah ee Steak ’n Shake ayaa hadda iibsatay Bitcoin ka badan $10 milyan.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Shabakadda Ethereum ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyay abid (ATH) Jimcihii, iyadoo 2.88 milyan oo macaamil ah ay la dhex dhaceen hal maalin gudaheed.

Hal sano gudaheed, qalinka (Silver) waxaa ku biiray $3.9 tiriliyan qiimaha suuqeedkiisa.

Taas macnaheedu waa in ku dhowaad 1.8 jeer qiimaha suuqeeka Bitcoin uu helay muddo 12 bilood ah oo keliya.

JPMorgan hadda waxay aqbali doontaa Ethereum in loo adeegsado dammaanadda amaahda.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

AZIO AI oo ah shirkad cusub oo ku takhasustay kaabayaasha Garaadka macmalka ah (AI) – ayaa ku dhawaaqday inay gashay heshiis rasmi ah oo ay ku iibsaneyso qeybta AI ee Azio Corp. Heshiiskani wuxuu ujeedkiisu yahay xoojinta awoodaha AZIO ee AI-ga hal-abuurka leh (generative AI) iyo balaadhinta saameynteeda ee adeegyada AI-ga awoodda sare leh.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

CryptoMondays, oo ah bulsho caalami ah oo baahsan (decentralized) kana shaqeysa blockchain iyo Web3, ayaa ku dhawaaqday hindisayaal lagu taageerayo kobaca ganacsiyada Web3 iyo AI iyada oo loo marayo munaasabado lagu qabanayo New York iyo Dubai. Munaasabadahani waxay ujeedadoodu tahay inay isku xidhaan mashaariic, maalgashadeyaal, iyo hoggaamiyeyaal fikir si loo dhiirrigeliyo hal-abuurnimada blockchain-ka iyo AI-ga.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article