Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 20-ka Janaayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta 3.08 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 2.16%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 42% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $363.13M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $323.40M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Scott Bessent ayaa sheegay in musharraxa Madaxweyne Trump uu u xushay guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Maraykanka (Fed) la filayo in la shaaciyo toddobaadka soo socda.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

Shiinaha ayaa uga digay Madaxweyne Trump inuu joojiyo isticmaalka waxa uu ugu yeedho “khatarta Shiinaha” isagoo marmarsiiyo uga dhigaya inuu ku raadsado danihiisa gaarka ah.

🪙 3. Coins-ka & Token-ada Cusub

B. ELSA (HeyElsa)

  • ELSA waa token cusub oo lagu soo bandhigay Bybit Launchpad ayaa lagu daray jadwalka Launchpad-ka laga bilaabo 20-ka Janaayo.

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Sanduuqa Value Index Fund ee Vanguard Group oo maamula $12 tiriliyan ayaa markii ugu horreysay iibsaday 1.23 milyan oo saamiyo $MSTR ee shirkadda Strategy ah, kuwaas oo qiimahoodu yahay $202.5 milyan.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Shirkadda Kraken ayaa bilaabi doonta inay fududeyso beddelashada $USDC loona beddelo Frontier Stable Token ($FRNT) ee shabakadda Solana laga bilaabo berrito, sida uu sheegay Guddiga Wyoming Stable Token.

Shirkadaha Tether iyo Bitqik ayaa ka bilaabay Laos olole qaran oo lagu barayo in ka badan 10,000 qof Bitcoin iyo stablecoins, si kor loogu qaado aqoontooda maaliyadeed iyo isticmaalka USD₮.

CZ ayaa sheegay in madal cusub oo tokenization ah oo ay furto New York Stock Exchange ay tahay war wanaagsan (bullish) oo u roon Kiribto iyo exchange-yadaba.

Shirkadda Cardone Capital ayaa sheegtay inay iibsanayso $10 milyan oo kale oo Bitcoin ah, taasoo qayb ka ah istaraatiijiyaddeeda muddada-dheer ee isku-darka hantida guryaha (real estate) iyo Bitcoin.

Revolut waxay codsatay ruqsad bangi oo buuxda gudaha dalka Peru, iyadoo ballaadhinaysa joogitaankeeda iyo dadaalkeeda ku wajahan Latin America.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Shirkadda OpenAI waxay qorshaynaysaa inay soo bandhigto qalabkeedii ugu horreeyay ee AI ah qeybta labaad ee sanadka 2026.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Suuqa saamiyada New York (NYSE) ayaa shaaca ka qaaday qorshe ah in la hirgeliyo madal ganacsi oo 24/7 ah oo loogu talagalay hantiyada la Tokenize-gareeyay ee ku saleysan blockchain.

Madasha waxaa loogu talagalay in lagu fududeeyo soo saarista iyo ka ganacsiga saamiyada Mareykanka ee Tokenize-gareysan iyo ETF-yo iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyada blockchain.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article