Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 20-ka Abriil 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.54 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 0.39%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 53% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid damaca u janjeedha.

In ka badan $422.19M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $299.89M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa la xidhiidhay dawladda Maraykanka si ay u hesho taageero dhaqaale haddii dagaalka Iran uu sii xumaado oo uu keeno dhibaato dhaqaale oo ka dhacda gobolka Khaliijka.

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Dawladda Shiinaha ayaa isku daraysa laba shirkadood oo waaweyn oo ay dowladdu taageerto si loo abuuro hay’ad maaliyadeed oo qiimaheedu yahay $86 bilyan, iyadoo dhisaysa bangiyo maalgashi oo xooggan.

Dawladda Japan ayaa wadda qorshe ay kaga joojinayso shaqaalaheed adeegsiga agabka tiknoolajiyadeed ee Shiinaha lagu sameeyo.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa toddobaadkii hore soo gashay hanti ama maalgashi cusub.

BTC: $996.38M
ETH: $275.83M
SOL: $35.17M
XRP: $55.39M

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadaha qoda (Miners) Bitcoin ee dadweynuhu maalgashadaan ayaa iska iibiyay 32,000 $BTC saddexdii bilood ee u horreysay sannadkan.

Adeegyada maalgashi ee hantida dhijitaalka ah ayaa helay qulqul lacageed dhan $1.4 bilyan toddobaadkii hore, taasoo noqotay lacagtii ugu badneyd ee toddobaadle ah tan iyo bishii Janaayo.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

“Si ka duwan inta badan shirkadaha tiknoolajiyada, Binance laga yaabaa inaysan qorsheynayn shaqo-joojin ballaadhan si loo yareeyo kharashaadka loona kordhiyo faaidada”, ayay tidhi Yi He oo ah Maamulaha Binance.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

McKinsey Global Institute ayaa sheegtay in AI uusan ka dhigi doonin xirfadaha aadanaha kuwo duugooba, balse wada-xaajoodka, xalinta dhibaatooyinka, iyo hoggaamintu ay ka sii muhiimsanaan doonaan waligood iyadoo automation-ku sii kordhayo, intaasna dadka unbaa karaya.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Vitalik Buterin ayaa yidhi ” Blockchain-ka Ethereum looma dhisin inuu noqdo chain-ka ugu dhaqsaha badan, balse Waxaa loogu talagalay inuu noqdo chain ammaan ah, chain decentralised ah, chain aad ku kalsoonaan karto.”

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article