Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.6 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.34%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 44% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid damaca u janjeedha.
In ka badan $90.80M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $47.54M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Falanqeeyayaal u dhashay Maraykanka ayaa aamminsan in Donald Trump uu isagu abaabulay isku daygii dilka ee ka dhacay Aqalka Cad, si uu ugu eedeeyo Iiraan isla markaana uu dib ugu bilaabo weerarrada.
🐋 3. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Maalgashade ayaa $7,800 u badelay $1B, isaga oo 10,000 $BTC iibsaday 2011-kii iskana iibiyay 2025-kii.
Shirkadda Bitmine ma dhicin inay bil dhamaato iyada oo aan wax ka badan $100M ku maalgashan Ethereum.
🚀 4. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Ku dhawaad 70% Ethereum-ka suuqa yaalla waa stake-gareysan yahay.
Bitcoin ayaa $100k ka hoosaysay in ka badan Shan bilood.
Maalqabeenka Grant Cardone maalgashigiisa Bitcoin ayaa ka faa’ido batay maalgashiga uu gashay hantida ma-guurtada ah.
🤖 5. AI iyo Web 3.0
Shirkadda Google ayaa la sheegay inay qorsheyneyso inay maalgeliso ilaa $40 bilyan Anthropic, oo ka mid ah shirkadaha hormuudka u ah horumarinta moodelada AI.
Heshiiskani wuxuu si weyn u ballaadhin doonaa iskaashigooda isla markaana ka caawin doonaa in la kordhiyo moodelada AI ee horumarsan iyo kaabeyaasha (infrastructure) AI.
🔗 6. Tiknooloojiyadda Blockchain
Warbixinno dhowaan ah ayaa muujinaya in BNB Chain ay noqoneyso Blockchain-ka hormuudka u ah AI agents-ka ka shaqeeya suuqa Kiribto.
Horumariyayaashu waxay dhisayaan nidaamyo ay AI si toos ah u maamuli karto wallets, u fulin karto ganacsiyo, isla markaana ula falgeli karto protocols kala duwan.
Khidmadaha Jaban ah iyo awoodda sare ee shabakadda ayaa ka dhigaysa mid ku habboon hawlaha otomaatigga ah.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


