">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Waa Maxay Block Chain?

Blockchain waxa uu ka koobanyahey labo eray, Block oo micnihiisa ah 4 gees, iyo chain oo la loola jeedo Silsilad, marka labada eray la isku daro waxay micno ahaan noqonayaan block-yo taxan oo isku xarayso chain, tusaale; xogtaada waxaa marka hore lagu gaydinaa Block ugu horeeyo, Block A hadii xog kale aad leedahey la galiyo block chainta waxa ay ku kaydsamaysaa Block-ga xego, Block B waxaa labada Block isku xerayo Silsilad ‘Chain’.

Technologiyadaan waxay soo baxday 2008, makii lacagta Bitcoin hawada soo gashay, waxay noqotay technologiyadaan mida lagu dhiso lacagaha crypto marka la isku diraayo Bitcoin waxaa kala iibsi walibo oo dhaco waxaa lagu gaydinaayo block chainta, waana technologyad aan lahayn cid dhexe oo maamusho ‘Decentralized’.

Markii hore Blockchain kaliya waxay ku koobneed in lagu adeegsado lacagaha Cryptocurrency, Balse waqtiyadaan dambe waxaa la ogaaday in loo adeegsan karo technologiyadaan qaybo badan oo nolosha ka mid ah, sida diiwaanada dhulka, hashiis-yada ganacsi ay labada qof ka dhaxeeyo, caafimaadka, Dooroshooyinka iyo suuqyada Saamiyada.

Blockchain-kii ugu horeeye ee la sameeyo waxa ay aheed 1.0 Blockchain ama Bitcoin block chain taasoo ay sameeyeen koox aan ilaa hada la garanayn oo la yiraahdo Satashi Nakomoto, waxaa ku xegay Blockchain-tii labaad, lite coin block chain oo la sameeyay October 2011 peer coin August 2019, Maza Block chain 2014, Ethereum Block chain jully 30 2015, Optimism, Tron Solana, Sui, Ada, Ripple Block chain, kaliya intaas ma aha nee waa technologyada ku socoto marxalad bilaaw oo qofkii la qabsado haada oo barto waxa uu ku soo kordhin karaa hal abuurkiisa, maalin walibana waxaa soo baxo block chain Cusub.

Qaybaha block chain

Block chain waxay ka koobantahey 4 qaybood oo wayn, qayb waliba waxay ku shaqaysaa nidaam gooni ah waa kuwaan 4ta qaybood ay ka kooban tahey Block chain

  1. Public Block chains, Waa Block chaino Decentralized ah, aan la maamulayn taasoo qof walibo Networka Block chain-taas qayb ka noqon karo isagoo aan wax codsi ah waydiisan ‘permission less’ waxuuna awood u leeyahey inuu wax ku qori karo, aqrin karo, waxna ku dul dhisi karo qaybna ka noqon karo xaqiijiyaasha ‘validators’ ka blockchain-taas, waxaana ka mid ah Bitcoin Block chain, Ethereum Block chain, Sol, Ada, Palkdot block chain.
  2. Private Block chains, Waa Blockchaino xeran ‘Closed’ maamulaan developers-ka sameeye, si uu qofka qayb ugu noqdo networka Block chain-taas waxa uu dirsanayaa codsi, si uu qayb ugu noqdo waxaana qayb ka noqon karo block chain-adaas oo xaqiijinaya xogta kaliya inta la doortay, waxaa ka mid ah Hype- ledger Fabric iyo Quorm Block chains.
  3. Consortium (Federated) block chain, Waa Block chains isku jiro waxayna ka kooban yihiin public and Private, waxaana maamulo ‘Multiple Organization’ kooxo isku tagay xogta lagu keydinaayo block-chain-taas,waxaana ka mid ah R3 corda iyo Energy web chain.
  4. Hybrid Block Chain, Waa Block chainyo isku qasan ‘Mixed’ qaybna waxay ka yihiin Public qaybna private, users ‘Isticmaalayaasha’ waxay qayb ka noqon karaan network block chain-taas, waxayna awood u leeyihiin kaliya inta loo ogalaadey inay arki karaan, waxaa ka mid Xrp, (Ripple) iyo Dragon chain.

Marka uu soo baxao WEB 3.0 nooca cusub ee Web-ka kuna dhisan Block chainta, waxaa la filayaa in ay technologiyadaan lahaan doonto qiimo aad u sarayso waxaana lagu daraasayn doonaa jaamacadaha, qofka aqoonta u leh technologiyadaan waxa uu la haan doono qiimo aad u sarayso.

Maxay Block chain kaga duwan tahey technologyada aan hadda adeegsano?

Technologiyadaan Block chain waxay gabi ahaan ka duwan tahey, mida aan hadda adeegsano, tusaale qormadaan aad hada aqrinayso waxaa lagu gaydinayaa server-ada Shirkada Googale, Gmail-kayga midkaaga iyo xog walibo aan is dhaafsano shirkada way la socotaa oo waxay xeri kartaa Account-ga ay rabto waxayna hada ka saari kartaa qormadaan website-keena, balse technologiyadaan cusub ee Blockchain ayaa gabi ahaanba ka duwan waxa aynu ku soo koobi karnaa saddex arin waxa ay ku kala duwan yihiin.

Mida 1aad blockchain ma lahan cid dhexe oo maa-musha Banki, hay’ad ama dowlad oo xogtaada waxaa lagu kaydinayaa Block u gaar ah, xog walibo oo ka dhex dhacdana si toos ah ayaa loo arkayaa, balse labada qof xogtaas is dhaafsadey meesha kama muuqanayaan.

Mida 2aad waa Distributed Ledger ‘xog faafsan’ tusaale Gelle iyo Cali waxay kala iibsadayn Bitcoin isla markii hishiiskaas dhaco waxaa laga wada arki karaa dhamaan Combuterada daafaha caalamka yaalo, balse lama ogaan garo cida dirtay iyo cida qaadatay xogtooda shaqsiyeed sida ‘Magacyadooda, Account-yadooda’ kaliya waxaa muuqanayso oo qof walibo arki karaa xadiga ay labadaas qof is dhaafsadeen iyo addres-yadooda.

Mida 3aad, technologiyadaan waa mid amaankeeda aad u sarayo, hackers hadii ay doonaan in ay jabsadaan way ku adag tahey maadaama dhamaan block-yada isku xeran yihiin, waxaa qasab ku noqonayso in ay guduha u galaan Block kasta taasoo niyad jab ku abuurayso.

Blockchain waxaa lagu faa’ideysan karaa meelo badan sida lacagaha dijitaalka ee cryptocurrency, oo meesha ka saaray cid dhexe oo maamusha dhaqaalaha labada qof ee wax kala iibsanaayo iyo qarashkii badnaa laga qaadi jirey, Smart Contracts heshiisyada casriga ah labada qof ama shirkadood ee wax kala saxiixanaayo waxaa xogtooda lagu keydinayaa blockchain iyaga u gaar ah taasoo aan jirin wax ka bedel lagu samayn karo hadii uu dhaco mar heshiiskaas, waxaana xermayayo bloc-ka xogtaas ku jirtey. Waxaa kale loo adeegsan karaa technologyadaan Blockchain caafimaadka, dooroshooyinka, iyo maamulka dowliga.

Leave a comment