">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Faqiga u dhaxeeyo mining iyo hashing waa mid muhiim u ah fahamka sida lagu soo saaro lacagaha cryptocurrency gaar ahaan Coinka Bitcoin iyo sida technologiyada Blockchain ay u kaydiso xogta lacagahaas.

Waa maxay hash?

Hash waa natiijada ka soo baxdo marka xog (data) loo diro hashing Algrothim tool, tusaale SHA-256 waxay ku siinaysaa natiijo gaar ah fixed size, oo la Encrypt gareeyay ‘xogta asalka aheed waa la qariayay waxaana loo badalaa hash ka kooban 64 character oo isugu jiro xarfo iyo numbers.

Tusaale:

Waxaad qortaa “HelloWorld” adigoo adeegsanaayo toolks-ka xogta lagu bedelo ee hash function ku shaqeeyo.
Markaad ku hash-gareyso SHA-256, waxaad helaysaa, hash fixed ah oo cabirkiisa gaaraayo 64 iskuna jiro xarfo iyo numbers: a591a6d40bf420404a011733cfb7b190d62c65bf0abc7aa9897f92f1d0eab…, Haddii aad wax yar ka beddesho am aka tagto hal xaraf tusaale D “Helloworl”, hash-ka gebi ahaan wuu isbedelayaa oo waxaa kuu soo baxaayo hash cusub oo leh xarfo iyo numbers gaar ah ka kooban 64, waana halka ay ku xeran tahay marka Miners-ka Bitcoin sameynayaan Block cusub oo miner-ka hash kiisu ansax noqdo ayaa Block cusub ku guulaysto, waxayna isku dayaan ilaa malaayiin jeer daqiiqadii.

Sida miners-ku u helaan hash-ka saxda ah?

Waxay raadiyaan Block ay ku jirto xog dhamaystiran oo ah transaction list, timest tamp, prevvios block hash iyo nonce saxda la helay. Si ay u helaan Block-gaas waxay sameyaan isku dayo badan

Waa maxay Hashing?

Hashing waa nidaamka xog lagu badelo si loo heolo hash gaar ah oo xeran iyadoo la isticmaalayo algrothim tools sida SHA-256 ay ku dhisantahay Bitcoin si loo ilaaliyo loona xaqiijiyo sirta shabakada.

Lacagaha cryptocurrency iyo technologiyda Blockchain hashing waxay u tahay muhiim, dhamaan Lacagaha cryptocurrency waa encryption oo macluumaadkooda waa qarsoonyihiin sida public key, private key, address, wallet address iyo transaction hash kaliya waxaa muuqato xarfo iyo numbers.

Waa maxay Mining?

Waa nidaamka lagu xaqiijiyo block cusub si lagu daro Blockchain-ta,waxaa la adeegsadaa Computero awood leh iyo koronto badan si loo xaliyo Cryptography Buzzle, waxaa la soo aruuriyaa hashing tiro badan oo is xeg-xego, waxaana la raadiyaa Nonce number gaar eh oo ka bilaawdo 0000 (4 zero), hadii la helo hash ka saxda ah oo wato nonce-kiisa, Block-ga waa la aqbalaa miner-ka ku daro Block-gaas Blockchain-ta waxuu helaa awaal-marinta BTC midii ugu dambaysay waa 3.125 xabo, ka dib halving kii dhacay 2024.

Waxaa jirto labo hab oo loo sameeyo mining Bitcoin

  1. Solo Mining, habkaan waxaa samayn karo shaqsi caadi oo qayb ka ah network bitcoin, si uu mining u sameeyo uguna guulaysto tartanka xerida block-ga, hadii uu ku guulaystana waxa uu helayaa 3.125 BTC, halving u dambeeye.

2 Pool Mining Habkaan waxaa mining samaynaayo team isku tagey haaystaan awood koronto xoogan si ay u helaan block uguna guulaystaan xeridiisa, una qaybsadaan awaalmarinta.

Sidee Mining-ka Bitcoin u Shaqeeyaa (Proof‑of‑Work)?

Mining Bitcoin waa habka loo xaqiijiyo laguna daro transactions cusub blockchain-ka Bitcoin, iyadoo la xallinayo cryptographic puzzle

Tallaabooyinka ay qaadaan miners-ka bitcoin si ay ansixiyaan transactions-ka

  1. Waxay aruuriyaan dhamaan transactions-yadii u dambeeye iyagoo abuuraya Block cusub
  2. Waxay isku dayaan inay helaan nonce ‘numberr random ah’ si marka lagu daro block data, hash-ku uu noqdo mid ka yar ama la mid ah target-ka difficulty-ga la baahnaa
  3. Waxay raadiyaan hash-ka Block-ka iyyagoo adeegsanaya SHA-256, iskuna dayo milyan jeer halkii second
  4. Waxay hubiyaan natiijada u soo baxday inay waafaqsantahay target-ka difficulty la doonaayi.
  5. Haddii aysan sax noqon waxay ku celiyaan mar kale ilaa ay ka helaan.
  6. Markii ay ku celiyaan hadii block-ga la aqbalo waxay ku daraan blockchain-ka
  7. Miner-ku soo helay Block-gaas waxuu helaa reward BTC iyo transaction fees

Waa maxay Difficulty?

Waa heerka adag ee lagu xisaabiyo hash-ka saxda ah, Waxuu si otomaatig ah u beddelma 14-kii maalmood si loo ilaaliyo waqtiga lagu tala galay in block kasta la sameeyo 10-daqiiqo gudahood.

Waa maxay Farqiga u dhaxeeya Hashing iyo Mining

Hashing waa hab loo adeegsado in xogta lagu qariyo lagana dhigo mid irreversible ah ‘aan la badelo karin’ waxaa la adeegsadaa algrothems sida SHA-256 (Bitcoin) iyo Keccak-256 (Ethereum) waxyaabaha lagu qariyaa waxaa ka mid ah password, transaction iyo verifications. Halka Mining uu yahay tartan adag oo lagu xaqiijiyo block cusub si lagu daro Blockchain-ta iyadoo la adeegsanaayo hash, lana raadinaayo nonce sax ah si loo helo hash buuxiya shuruuda u dagsaneed Blockchain-taas lacagteeda mining lagu soo saaraayo.

Halkaan ka baro coursada Crypto luqadaada hooryo

Leave a comment