Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.12 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 0.2%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 15% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi xooggan ka jirto.
In ka badan $617.97M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $432.26M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Waxaa galabta 4:30 xilliga bariga Afrika soo baxaya xogta NFP iyo Unemployment Rate oo laga yaabo inay suuqa wax ka baddelaan la soco boggeenna X, https://x.com/GelleCrypto
Trump wuxuu qorsheynayaa inuu soo saaro amar fulineed oo lagu magacaabo “Genesis Mission,” kaas oo lagu horumarinayo kobaca iyo hal-abuurka AI-ga Mareykanka, sida uu sheegay wargayska Bloomberg.
Hindiya waxay qorshaynaysaa inay Samayso ARC, oo ah hanti dijitaal ah oo lagu xidhay lacagta rupee-ga, kuna dhisan Polygon, horraanta sanadka 2026.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
19-kii Nofeembar, qulqulka Spot ETF-yada ayaa muujiyay $75.4M oo soo galay ah (inflows) BTC iyo $37.5M oo ka baxay (outflows) ETH.
ETF-yada SOL waxay heleen $55.6M oo soo maalgashi cusub ah, halka ETF-yada XRP ay diiwaangeliyeen $15.8M oo soo maalgashi cusub ah.
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
BlackRock iyo Grayscale Mini ayaa iibsaday Bitcoin qiimaheedu dhan yahay $116 milyan.
ARK Invest waxay kordhisay iibsigeeda saamiyada shirkadaha la xidhiidha Kiribto xilli suuqu uu hoos u dhac ku jiro, iyadoo ku dartay maalgashi cusub shirkadaha Bullish, Circle, iyo Bitmine.
Dhaqdhaqaaqyada whales-ka Bitcoin ee ka badan $100K ilaa $1M ayaa si xoog leh u kordhay.
Usbuucan wuxuu u muuqdaa inuu noqon karo usbuuca ay ugu firfircoonaayeen whales-ku 2025-ka.
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
HSBC waxay bilaabi doontaa lacag dhigid tokenized ah oo loogu talagalay macaamiisha shirkadaha ee Maraykanka iyo Imaaraadka Carabta.
Waxay bixindoontaa wareejin degdeg ah 24/7 maadaama bangiyadu ay xoogga saarayaan tokenization-ka halkii ay ka isticmaali lahaayeen stablecoins.
Guddiga Maalgashiga Abu Dhabi (ADIC) ayaa ku dhowaad saddex-laabay hantidiisa ku jirta ETF-ka spot-BTC ee IBIT intii lagu jiray rubucii saddexaad (Q3).
Shirkadda Bullish waxay shaacisay faa’iido rikoodh ah oo ay heshay rubuca 3aad ee sannadkan (Q3) ah oo gaadheysa $18.5M iyo koror xooggan oo dakhliga ah, hase yeeshee saamiyadeeda ayaa hoos u dhacay in ka badan 6% waxayna hadda hoos u dhaceen ku dhawaad 40% bishan.
🤖 6. AI iyo Web 3.0
Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay abaabulidda guddi qaran oo shaqo oo isku xidha horumarinta AI-ga wax curiyaha ee Ruushka, isagoo ujeedkiisu yahay xoojinta madaxbannaanida teknolojiyadda iyo dhisidda awoodda AI ee gudaha dalka.
☢ 7. Xogta dhaca crypto
Virus WhatsApp-ka saameeya ayaa si xawli ah ugu fidaya Brazil, isagoo ku saameynaya taleefannada isaga oo adeegsanaya trojan-ka Eternidade Stealer, kaas oo xada xogta lagu galo boorsooyinka Kiribto iyo barnaamijyada bangiyada.


