Markii ugu dambeysay ee tusmada Crypto Fear & Greed Index ay hoos ugu dhacday heerkan cabsida ah, qiimaha Bitcoin wuxuu joogay agagaarka $80,000.
Dareenka guud ee suuqa Kiribto ayaa hoos ugu dhacay heerkiisii ugu hooseeyay muddo ku dhow lix bilood kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu ku dhawaaqay cashuur 100% ah oo lagu soo rogayo Shiinaha 1-da bisha Noofember.
Tusmada Crypto Fear & Greed Index, oo cabbira dareenka guud ee suuqa, ayaa xalay hoos ugu dhacday heerka “Cabsi” ee 27, taas oo hoos u dhacday 37 dhibcood marka loo eego heerkii “Damaca” ee Jimcihii ay joogtay tusmadu oo ahaa 64.
Hoos u dhacaasi wuxuu yimid kadib markii Bitcoin ku jirta Binance perpetual futures pair ay xilli kooban ugu dhacday $102,000 , kadib markii Trump ku dhawaaqay cashuurahan saamaynta weyn.

Tusmada ayaa horay u diiwaangelisay heer “Damac ama farxad” ah oo ah 71 Isniintii markii qiimaha Bitcoin uu gaadhay heerkii ugu sarreeyay ee cusubaa xigasho : Alternative.me
24-kii saac ee lasoo dhaafay, in ka badan $19.35 bilyan oo ah dad suuqa kor u galay (long) iyo kuwo hoos u galayba (short) ayaa laga cidhibtiray suuqa kiribto, sida aan ka soo xigannay CoinGlass.
Suuqa Kiribto oo muujinaya “Signal Iibsasho” xooggan ah sida ay khubaro sheegayaan
Qoraal uu Jimcihii ku daabacay X (Twitter), madaxa cilmi-baadhista Yurub ee Bitwise, Andre Dragosch, ayaa sheegay in tusmada shirkadda ee “intraday crypto asset sentiment index” ay “soo saartay calaamad iibsasho oo ka soo horjeedda dareenka caadiga ah ee suuqa.”
“Tusmada ayaa gaadhay heer hoose oo ah -2.8 standard deviations — heerkii ugu hooseeyay tan iyo dhacdadii ‘Yen Carry Trade Unwind’ sannadkii 2024,” ayuu yidhi Dragosch.

Tusmada Bitwise intraday sentiment index ayaa hadda muujinaysa “calaamad iibsasho oo xooggan.”
Xigasho: Andre Dragosch
Markii ugu dambeysay ee Crypto Fear & Greed Index ay ahayd heerkan hoose waxay ahayd Abriil 16-keedii, kadib markii qiimaha Bitcoin uu hoos ugu dhacay $77,000, iyadoo welwel laga qabay xiisadaha ganacsi.
Maalmo yar ka hor, Abriil 9-keedii, Trump wuxuu ku dhawaaqay hakad 90-maalmood ah oo ku saabsan cashuuraha, isagoo dib ugu celiyay cashuurta heerka 10% ee caadiga ah ee dalal badan uu ugu talo galay.
Horraantii toddobaadkan, tusmada waxay ku jirtay aagga “Damaca” kadib markii qiimaha Bitcoin uu gaadhay heerkii ugu sarreeyay ee ahaa $125,100 Isniintii.
Heerarkii sare ee Bitcoin ma keenin farxad weyn
Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyaha Santiment, Brian Quinlivan, ayaa Jimcihii sheegay in heerarkii ugu sarreeyay ee Bitcoin ee dhawaan uu gaadhay aysan dhalin farxad iyo xiise la mid ah kuwii horey u dhacay.
“Waxay ahayd falcelin caadi ah oo fudud oo ka timid bulshada Kiribto,” ayuu yidhi Quinlivan intii lagu guda jiray wareysi uu siiyay Thinking Crypto podcast oo Khamiistii la soo dhigay YouTube, isagoo tixraacaya heerka faallooyinka togan ee baraha bulshada kadib markii qiimaha Bitcoin uu gaadhay $125,100.
“Runtii wax weyn ma ahayn,” ayuu raaciyay. “Ma ahayn mid aad u farxad badan sida kuwii hore ee hore,” ayuu ku daray.
24-kii saac ee u dambeeyay waxaa suuqa lagu khasaaray $19.35 billion, taas oo $16.84 billion oo ka mid ah ay khasaareen ganacsadayaal suuqa kor u galay.
Qiima suuqeedka guud ee Kiribto waxaa ka baxay lacag ku dhow $500B, taas oo ku keentay suuqa hoos u dhac ku dhow 10%.
https://twitter.com/GelleCrypto?t=rdvcWrQso025YRFE1bu_Ig&s=09
Hadda xog inta aan hayno waa intaas, waxii saadaal ah ka bogo muuqaalka hoos yaalla.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo