Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Hadalkii ugu dambeeyay ee Donald Trump ee Fed waxa uu soo jeediyey “mandate saddexaad” oo bangiga looga baahan yahay inuu dejiyo heerarka dulsaarka muddada-dheer, taas oo suurtogal ka dhigaysa siyaasad la mid ah yield curve control, isla markaana kor u qaadi karta Bitcoin.

Haddaba waa maxay Mandate-ka saddexaad?

Sidaan wada ogsoonnahay Fed waxa ay u joogto ayaa ah inay saddex shay u qabtaan dhaqaalaha Maraykanka oo kala ah Xaqiijinta ugu sarreysa ee heerka shaqaalaysiinta, Xasilinta qiimaha alaabaha iyo Xasilinta heerka dulsaarka muddada dheer.

Kaydka shuruucda Federaalka oo la qoray 1913-kii ayaa xusaya saddexda u jeeddo xigasho : Xafiiska daabacaadda dawladda Maraykanka

Haddaba sannaddadan dambe waxay Fed awoodda saarayeen labada hore oo keli ah oo heerka dulsaarka waxay sheegeen in haddii labada hore la xaqiijiyo uu sidii la rabo noqon doono, balse taasi ma dhicin.

Taas awgeed ayuu Trump dib u xasuusiyay inay heerka dulsaarka ay faragelin ku sameeyaan si ay wax uga qabtaan sicir bararka xooggan ee dalka ka jira.

Mandate saddexaad” oo ka yimid Federal Reserve-ka Mareykanka waxa uu beddeli karaa siyaasadda maaliyadeed ee muddada-dheer haddii la dhaqan geliyo, taas oo noqon karta war u xun doollarka balse war wanaagsan u ah crypto.

Fed waxa muddo dheer loo tixgeliyey inuu leeyahay laba mandate oo ah — xasillinta qiimaha iyo xaqiijinta shaqaaleysiin buuxda — balse Madaxweynaha Donald Trump waxa uu u magacaabay guddoomiye Fed ah, Stephen Miran, kaas oo bishan hore sheegay “mandate saddexaad”, taas oo dhalisay mala-awaal ku saabsan mustaqbalka siyaasadda maaliyadeed ee bangiga dhexe.

Maamulka Trump waxa uu u muuqdaa inuu diyaar u yahay inuu adeegsado shuruuddan sharciyeed ee la hilmaamay sidii cudud sharci ah oo lagu fuliyo faragelin xooggan oo ka dhan ah suuqyada bonds-ka, gaar ahaan iyada oo loo marayo yield curve control ama ballaadhinta quantitative easing iyo daabacaadda lacag badan, sida uu Bloomberg ku warbixiyey Talaadadii.

Hoos u dhigidda heerarka dulsaarka muddada dheer

Ujeeddadan saddexaad waxa si weyn loo iska indho-tiray tobannaan sano, iyadoo intooda badan loo arkay inay tahay natiijo dabiici ah oo ka dhalata labadii ujeeddo ee hore, balse saraakiisha Trump hadda waxay ku doodayaan in loo isticmaali karo sharci ahaan in la hirgeliyo siyaasad yield curve control, halkaas oo Fed uu iibsado bonds dawladeed si uu u gaadho heerka dulsaar ee uu doonayo.

Trump waxa uu muddo dheer ku doodayay in dulsaarka la dhimo, isagoo guddoomiyaha Fed Jerome Powell ugu yeedhay “mid aad u gaabiya” ama “mid aad u daahay” marka uu dulsaarka hoos u dhigayo.

Maamulku waxa uu doonayaa in si firfircoon loo cadaadiyo heerarka dulsaarka muddada dheer, waxaana ka mid noqon kara qalabka suurtagalka ah kordhinta soo saarista Treasury bills, iibsashada bonds dib loogu soo celiyo, quantitative easing ama toos ahaan yield curve control.

Heerarka dulsaarka muddada dheer oo hooseeya waxay yarayn doonaan kharashaadka deymaha dowladda iyadoo deynta qaranku gaadhay rikoodh ah $37.5 tirilyan. Maamulka waxa kale oo uu doonayaa in uu dhiirrigeliyo suuqyada guryaha iyadoo hoos loo dhigayo heerarka mortgage-ka.

Saameynta togan ee crypto uu ku leeyahay

Christian Pusateri, aasaasaha borotokoolka qarsoodiga ah ee Mind Network, ayaa Arbacadii sheegay in mandate-ka saddexaad uu yahay “cadaadis dhaqaale oo magac kale lagu sheegay,” isagoo ku daray in ay aad ugu egtahay yield curve control.

Qiimaha lacagtu waxa uu la kulmi doonaa xakamayn adag, sababtoo ah dheelitirka taariikhiga ah ee u dhexeeya hantida dalka taalla iyo shaqooyinka iyo ka u dhexeeya deynta iyo GDP-ga dalka, ayaa noqday mid aan degganayn,” ayuu yidhi.

Bitcoin waxa ay heli doontaa maalgashi aad u weyn iyada oo noqon doonta xayndaabka la lagaga dhuunto khasaraaha ka dhanka ah nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah.

Aasaasaha BitMEX, Arthur Hayes oo si cad uga hadlay ayaa isna sheegay in tani ay kor u qaadayso crypto, isagoo soo jeediyey in yield curve control ay Bitcoin u kaxayn karto ilaa $1 milyan.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment

newsletter form

newsletter form

Gelle Crypto © 2025. All rights reserved.

Gelle Crypto © 2025. All rights reserved.