Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ro Khanna, oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka (Democrat – California 17th District) isla markaana ah ku-xigeenka guddoomiyaha Congressional Progressive Caucus, ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu soo jeediyo sharci ka mamnuucaya dhammaan madaxda la doortay oo ay ku jiraan Madaxweyne Donald Trump, qoyskiisa, iyo xubnaha Congress-ka inay ka ganacsadaan Kiribtada ama saamiyada.

Khanna, oo la hadlay MSNBC, ayaa muujiyey walaac ku saabsan “iska hor imaadka danaha” ee la xidhiidha mashruuca World Liberty Financial (WLFI) ee uu leeyahay wiilka Trump, isagoo ku eedeeyay in cafiskii dhowaan la siiyay Changpeng Zhao “CZ”, oo ah aasaasaha Binance, uu ahaa “musuqmaasuq cad”.

Waxaad haysataa bilyaneer ajnabi ah oo ku lug lahaa lacag-dhaqid,” ayuu yidhi Khanna isagoo tixraacaya CZ. “Kadibna wuxuu dalbanayaa cafis uu ka helo Donald Trump isagoo hore u maalgeliyay argagixisada.”

CZ ayaa hore u qirtay hal dacwad dambiyeed oo ah jebinta Xeerka Qaranka ee Sirta Bangiyada (Bank Secrecy Act), kadib markii Binance lagu helay inay ku guuldareysatay hirgelinta nidaam waxtar leh oo ka hortaga lacag dhaqista (AML).

Khanna wuxuu ku dooday in CZ loo sii daayay sababtoo ah Binance ayaa maalgelinaysay mashruuca WLFI, taas oo uu ku tilmaamay “isku xidhka siyaasadda iyo lacagta”.

Wuxuu leeyahay ‘waxaan taageerayaa World Liberty,’ taas oo ah shirkadda Kiribto ee wiilka madaxweynaha, iyagoo kasbanaya malaayiin dollar inta Donald Trump uu xilka hayo. Markaas Trump wuxuu siinayaa cafis halka CZ uu maalgelinayo stablecoin-ka uu qoyska Trump leeyahay,” ayuu yidhi Khanna.

Eric Trump ayaa dhowr jeer diiday eedeymahaas, isagoo sheegay in aabbihiis “aanu wax xidhiidh ah la lahayn mashruuca” wuxuuna ku daray in “aabbahay uu dalka maamulo, maaha inuu ganacsi sameeyo.

Khanna weli faahfaahin kama bixin sida uu sharci-dejintiisu u shaqeyn doono, balse wuxuu si cad u sheegay inuu doonayo mamnuucid guud oo ku saabsan madaxda la doortay inay haystaan Kiribto ama ay aqbalaan maalgelin shisheeye.

Si kastaba ha ahaatee, diiwaanada dowladda ayaa muujinaya in sharcigan cusub aan weli si rasmi ah loo soo gudbin.

Xaaladda guud ee sharciyada ganacsiga madaxda dowladda

Maalgelinta madaxda dowladda ee suuqyada saamiyada iyo Kiribto waa arrin muddo dheer lagu muransanaa.
Waxaa socda doodo ku saabsan sharciga labada xisbi (bipartisan) ee lagu xakameynayo ka ganacsiga saamiyada ee xubnaha Congress-ka, kaas oo la filayo in dhawaan loo codeeyo.

Hase yeeshee, waxaa jiray eedeymo laba wejiilenimo ah, maadaama Khanna laftiisu uu ku leeyahay taariikh ballaadhan ka ganacsiga saamiyada.

Xogta laga helay Quiver Quant ayaa muujineysa in Khanna uu sameeyay $80.3 milyan oo doolar oo ganacsi saamiyo ah sanadkan 2025, halka guud ahaan uu tan iyo 2017 sameeyay in ka badan 35,000 ganacsi oo ku fadhiya $580 milyan, kuwaas oo inta badan diiradda saaraya maaliyadda, tiknoolojiyada, iyo caafimaadka.

Tixraaca Ganacsiga xildhibaan Khanna xigasho: Quiver Quant

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment