Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.6 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 106.93 billion.

- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 45% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.

- Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.48 billion.

- Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $78,299.21
- Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,305.89
- Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $616.14
- Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $83.82.
- Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.36.
⚖️2. Xeerarka & Sharciyada Suuqa
- Shirkadaha bixiya adeegyada Crypto ee Yurub ayaa bilaabay in ay macaamiishooda u soo diraan ogeysiisyo ku saabsan isbeddello dhanka xaqiijinta xogta ah, maadaama xeerka MiCA is badel lagu sameeyay.
- Aasaasihii hore ee shirkadda Celsius ayaa ogolaaday inuu bixiyo heshiis ganaax ah oo dhan $10 Milyan uu siinayo guddiga FTC, iyadoo sidoo kale looga mamnuucay inuu ka shaqeeyo mashruucyada Crypto
- Go’doominta Marinka Hormuz ayaa wali taagan, qiimaha shidaalka wuxuu u dhaxeyaa $110 ilaa $115, arintaan waxay keentay in waddamada warshadaha leh ay wajahaan cabsi sicir-barar.
🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha Waa-weyn
- Shirkadda Vanguard oo shalay shaacisay in ay macaamiishooda u oggolaanayso maalgashiga Crypto, ayaa maanta la arkay in lacago badan ay soo gelayaan,
- Sanduuqyada Spot ETFs ee Hong Kong ayaa diiwaangeliyay kobac yar, iyagoo si tartiib ah u soo jiidanaya maalgashadayaasha Aasiya ee cabsida ka qaba xiisad dhaqaale ee Bariga Dhexe.
🪙4. Coins-ka Cusub & Token-ada
- Lacagaha mashariicda AI sida Bittensor (TAO) iyo Fetch.ai (FET) ayaa maanta sameeyay kobac wayn suuqayada, iyagoo sare u kacay in ka badan 12%. Arintaan waxay la xiriirtaa codsigii Grayscale ee ahaa inay ETF u samayso TAO.
🐋5. Maalgashiga Whales-ka
- Xogta On-chain, waxay muujinaysaa in in ka badan 18,500 BTC qiimahoodu ka badan yahay $1.4 Bilyan in saacadihii la soo dhaafay laga saaray Suuyada Binance iyo Coinbase loona wareejiyay Wallet gaarka ah. Arintaan waxay ka dhigan tahay in nibiriyadu aysan qorshaynayn inay iibiyaan.
- Whales-ka ku sugan Aasiya ayaa wali u badalanaya lacagtooda gashka ah Stablecoins (USDT iyo USDC), iyagoo diyaarsanaya wax-iibsi haddii suuqu uu hoos ugu dhaco si lama filaan ah.
⛓️6. Tiknoolajiyadda Blockchain
- Shirkado ku sugan dalka El Salvador ayaa maanta shaaciyay rikoor cusub ay ka gaareen Bitcoin Mining iyagoo isticmaalaya kaliya tamarta dabiiciga ah ee fulkaanada.
🤖7. AI & Web 3.0
- Maanta waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay Protocol cusub oo la yiraahdo Agent-Fi, kaas oo u oggolaanaya macaamiisha inay abuuraan “Wakiilo AI ah oo madax-bannaan”. Wakiilladan ayaa si otomaatig ah ugu ganacsan kara suuqa Crypto iyagoo adeegsanaya Smart Contracts, waxaana loogu talagalay inay macaash sameeyaan xitaa marka qofku hurdo.
🚨 8. Amniga
- Kooxo Hackers ayaa bilaabay olole ballaaran maanta oo Sabti ah, iyagoo emailo been abuur ah u diraya dadka. Email-adaan waxay iskaga dhigayaan inay ka socdaan shirkadda Vanguard, waxayna dadka u ballanqaadayaan “Fursad maalgashi cusub oo Crypto ah.”
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


