Wararka Maanta ee Suuqa Kiribto 03-05-2026

Jacfar
By Jacfar

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.  

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.61 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 82.45 billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %59.1 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 45% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $82.10 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 8.48 billion.
  • Bitcoin (BTC) waa Coin-ka ugu qiimaha badan lacagaha Digital-ka ah e Crypto wuxuu joogaa qiimihiisa manta $78,688.21
  • Ethereum (ETH) waa coin-ka labaad ugu qiimaha lacagaha digital-ka wuxuna leeyahay Blockchain ugu awooda badan Crypto qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $2,325.89
  • Binance Coin (BNB)- waa coin ee leedahay shirkada Binance waxaa loo adeegsadaa bixinta adeegyada madasha qiimihiisa wuxuu haatan marayaa $619.14
  • Solana (SOL)- waa coin sumcad ku dhex leh lacagaha digitalka ah ee Crypto wuxuuna leeyahyay Blockchainta loogu adegsiga badan yahay Crypto qiimihiisa wuxuu manta joogaa $84.82.
  • Rippe (XRP)- waa coin-ka ee leedahay shirkada Ripple loona adeegsado lacag dirida caalamiga ah xawaare are iyo qiimo jaban wuxuu qiimihiisa joogaa haatan $1.39.

️2.  Xeerarka & Sharciyada Suuqa

  • Wasaaradda Maaliyadda ee Ruushka ayaa si rasmi ah u meel-marisay sharciyo cusub oo wax-ka-beddelaya nidaamka canshuuraha lagu rogo hantida dhijitaalka ah iyo faa’iidooyinka laga helo.
  • Abu Dhabi Global Market (ADGM) iyo madasha Hashed ayaa si wadajir ah u soo saaray warbixin siyaasadeed oo cusub, sidii nidaam sharci oo casri ah loogu samayn lahaa shirkadaha Web3 ee ka hawlgala Imaaraadka Carabta.

🏛️3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha Waa-weyn

  • Sanduuqyada U.S. Spot Bitcoin ETFs ayaa maalmihii la soo dhaafay diiwaangeliyay kobac aad u xooggan, iyagoo helay lacago saafi ah oo gaaraya $14.76 Milyan saacadihii ugu dambeeyay ee Jimcihii, taas oo dhiirigelisay suuqa.
  • Shirkadda Tether oo soo saarta USDT ayaa sheegtay in rubuca koowaad ee sanadkan ay hoos u dhigtay gadashadii dahabka, iyadoo iibsatay 6 tan oo dahab ah, lacagtii kalena u weecisay in ay ku maalgeliso AI iyo qaybaha kale ee teknoolajiyada.

🪙4.  Coins-ka Cusub & Token-ada

  • Lacagta Meme-ga ee BONK ayaa ku dhawaaqday iskaashi istiraatiijiyadeed oo ay la yeelato shirkadda Paxos. Tani waxay BONK ka dhigaysaa lacag si dhab ah loogu adeegsan karo xawilaadaha.

🐋5.  Maalgashiga Whales-ka

  • Falanqaynta xogta TradingView ayaa muujinaysa in cAddress-yada Whales-ka haysta Bitcoin aysan wali bilaabin iib, taas oo caddaynaysa inay filayaan in qiimuhu uu dhawaan dhaafo heerka ugu sarreeya ee $80K+.
  • Whales-ka ku sugan Aasiya ayaa billaabay in ay hantidooda qayb ka mid ah u beddelaan Stablecoins si ay ugu faa’idaystaan hoos u dhaca suuqa.

️6. Tiknoolajiyadda Blockchain

  • Shabakadda Tron Blockchain ayaa markale muujisay Scalability aad u sarreyso, iyadoo kordhisay xawaaraheeda.g

🤖7. AI & Web 3.0

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now
  • Shirkadda Argentum AI ayaa maanta saxiixday heshiis taariikhi ah oo ku kacaya $1.5 Bilyan, kaas oo loogu talagalay in lagu iibsado awoodda GPU-yada ugu waaweyn adduunka si loo hormariyo Web3 AI.

🚨 8. Amniga

  • Warbixin cusub oo soo baxday maanta ayaa muujisay in kooxda Lazarus ee Kuuriyada Waqooyi ay gacanta ku dhigtay 76% dhammaan hantidii Crypto ee la xaday sanadkan 2026. Waxay fuliyeen labadii weerar ugu weynaa (Drift Protocol iyo Kelp DAO) waxayna dhacayn hanti ka badan $577 Milyan.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan: https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article