Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 25-ka Abriil 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.59 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 0.6%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 44% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid damaca u janjeedha.

In ka badan $187.02M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $104.99M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Donald Trump ayaa dhaleeceeyay Maxkamadda sare ee Maraykanka, isagoo sheegay in go’aanka ku saabsan canshuuraha uu ku qasbi karo dawladda inay dib u bixiso $159 bilyan oo loo celiyo shirkadaha iyo dalalkii laga qaaday.d

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Madaxa ciidammada difaace ee dalka Iiraan ayaa sheegay inay u jawaabi doonaan ciidammada Maraykanka haddii ay joojin waayaan cunaqabataynta iyo budhcadnimada ay ku hayaan Iiraan.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa maalinkii shalay soo gashay hanti ama maalgashi cusub, marka laga reebo ETF-yada Solana.

BTC: $14.4M
ETH: $23.4M
SOL: -$1.1M
XRP: $6.44M

ETF-yada Bitcoin ayaa maalinkasta oo toddobaadkan ka mid ah helayay maalgashi cusub, iyaga oo guud ahaan helay $823M.

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda Tether ayaa haysata 59% stablecoins-ka yaalla suuqa.

Shirkadda Grayscale ayaa stake-gareysay 102,400 $ETH oo u dhiganta $237M.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Qiime suuqeedka guud ee shirkadda Nvidia ayaa ku soo laabtay $5T.

Bangiga Bank of America ayaa saadaaliyay in lacagta silver ay gaadhi karto inta u dhexeysa $135 ilaa $309 halkii ounce dhammaadka 2026, iyadoo ay sabab u tahay yaraanta tirada suuqa soo galaysa iyo suurtagalnimada cadaadis baahi oo dhaca.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Maalgelinta xarumaha xogta ee ku shaqeeya AI ee caalamka ayaa la filayaa inay gaadho ilaa $5.2 tirilyan marka la gaadho 2030-ka, iyadoo gaadhi karta $7.9 tirilyan haddii baahidu aad u sarreyso.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Warbixin cusub oo ka timid JPMorgan Chase ayaa muujineysa in tokenization uu noqday qorshe muhiim ah oo suuqyada maaliyadeed lagu kobcinayo.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article