Mashruuca lacagta dhijitaalka ah ee qoyska Trump, World Liberty Financial (WLFI), ayaa qaaday tallaabo istiraatiiji ah oo ah in la gubo 47 milyan oo token, si kama dambays ahna looga saaro tirada suuqa taalla, iyagoo isku dayaya inay yareeyaan cadaadiska iska iibinta oo hoos u dhigay qiimaha tan iyo markii si rasmi ah looga bilaabay ka ganacsigiisa suuqyada usbuucii hore.
Sida gubitaanku u dhacayo
Xogta onchain-ka ah ee uu soo tebiyay website-ka Lookonchain ayaa muujisay in 47 milyan WLFI token lagu wareejiyay “burn wallet” 2-dii September, taas oo micnaheedu yahay in token-kaas aan mar dambe lagu celin karin tirada suuqa ku jirta. Kadib gubitaanka, Tirada guud ee WLFI waxay hoos u dhacday in ka badan 99.95 bilyan, iyadoo CoinMarketCap ay xaqiijisay in qiyaastii 24.66 bilyan oo token horey loo sii daayay, taas oo ah ku dhawaad 25% Tirada asalka ahayd ee 100 bilyan ee Token ee uu ka kooban yahay mashruucu.

Xigasho : Lookonchain
Gubitaanka ayaa ka ah 0.19% tirada $WLFI suuqa taalla hadda, waxaana ujeeddadu tahay in hoos loo dhigo tirada token-ka, si qiimaha loo xoojiyo mustaqbalka dhow iyo kan fogba, maadaama tirada oo yaraata keenayso rabitaan badan in loo yeesho token-ka.
Hoos u dhaca qiimaha WLFI
Ka ganacsiga $WLFI waxay bilaabatay Isniintii, isagoo qiimihiisa ugu sarreeya gaadhay $0.331 maalintii furitaanka. Si kastaba ha ahaatee, qiimuhu si degdeg ah ayuu hoos ugu dhacay, wuxuuna hoos u dhacay in ka badan $0.23, isagoo lumiyay 3.8% qiimihiisa ah hal maalin gudaheed. Ilaa hadda, token-ku wuxuu hoos uga dhacay in ka badan 31% qiimihiisii ugu sarreeyay, iyadoo ganacsatada muddada-gaaban (short-time sellers) ay cadaadis weyn saareen suuqa.
Gubitaanka token-ka ayaa loo arkaa dadaal lagu xakameynayo arrintan, iyadoo kooxdu sheegtay in “gubitaanka uu kordhin doono saamiga maalgeliyayaasha muddada-dheer ee u heellan, isla markaana uu wareegga ka saarayo token ay haystaan dadka aan danaynayn mustaqbalka dheer ee WLFI.”
Qorshahooga Mustaqbalka
Kooxda World Liberty Financial waxay soo bandhigtay qorshe cusub oo ah dib u iibsi ay sameynayaan iyo gubid token iyadoo adeegsanaysa khidmadaha liquidity-ga shabakadda. Ujeeddadu waa in la abuuro nidaam joogto ah oo gubid ah oo si tartiib ah u dhimaya tirada suuqa taalla ee Token-ka.
Codaynta bulshada ee ku saabsan soo jeedintan ayaa u muuqda mid taageero ballaadhan helaya. In ka badan 133 ka qaybgalayaal oo ka falceliyay ayaa muujiyay taageero, inkasta oo codayn rasmi ah aan weli la qaban.
Saamaynta ay ku yeelatay suuqa crypto
Soo saarista WLFI waxay keentay dhaqdhaqaaq xooggan oo suuqa ka muuqday, gaar ahaan khidmadaha (Gas-fee) Ethereum oo si weyn kor ugu kacay.
Mangirdas Ptašinskas, madaxa suuq-geynta ee shirkadda Galxe, ayaa sheegay in dhacdadani kor u qaadday khidmadda shabakadda Ethereum tahay digniin cad oo muujinaysa in “shaqadu weli dhiman tahay si loo diyaariyo kaabayaasha crypto.”
Isaga oo tusaale soo qaatay, ayaa sheegay in wareejinta Token u dhigma $200 lagaaga qaado khidmad dhan $50 ay muujinayso in nidaamka crypto u baahan yahay horumar dheeraad ah si uu u noqdo mid waara.
Dhanka kale, Rusher, khabiir kale oo arrimaha dhaqaalaha Blockchain-ka ah, ayaa yidhi: “Welwelka ugu weyn waa in ganacsiga mala-awaalka cad ah ee ku dhisan buuq is-raaciska, uu dhaawacayo kalsoonida bulshada ee crypto. Haddii kalsooni la waayo, ma jiri doono nidaam dhaqaale oo waara oo lagu dhisi karo mustaqbalka.”
Maxaa Laga Baranayaa?
Falanqeeyayaasha ayaa isku raacsan in gubitaanka token-ka uu yahay mid waxtar leh oo kor u qaadi kara qiimaha, balse ma aha xalka kaliya ee lagu xallin karo cadaadiska suuqa lagu hayo. Waxay sidoo kale u baahan tahay in la dhiso kalsooni, in la xoojiyo sharciga iyo nidaamka, isla markaana la siiyo maalgeliyayaasha cadcaddaan iyo daahfurnaan.
Soo saarista iyo burburidda qiimaha WLFI waxay noqotay cashar ku saabsan sida suuqa crypto uu u yahay mid degdeg ah, la saadaali karin, isla markaana u baahan istiraatiijiyado ka badan hal tallaabo oo degdeg ah.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo