Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Kharashaadka Dowladda Federaalka ee Maraykanka ayaa si rasmi ah u xayirmay Oktoobar 1, 2025 kadib markii Congress-ku ku guul-darreystay inuu meel mariyo sharciyada kharash-bixinta ama qaraarka sii wadista maalgelinta ka hor dhammaadka waqtiga 30-ka Sebtembar. Sannad kasta waa in dowladda la ansixiyo sharciyo miisaaniyadeed badan, ka hor inta uusan sannad-miisaaniyadeedka cusub bilaaban Oktoobar 1-deeda.

Haddii Congress-ka waqtigu ka dhammaado, xildhibaannadu badanaa waxay ansixiyaan “qaraar sii-wadid” ku-meelgaadh ah si ay u sii wadaan maalgelinta inta ay ku heshiinayaan ansixinta Sharciyada. Laakiin 2025, khilaaf siyaasadeed u dhexeeya maamulka Madaxweyne Trump iyo Dimuqraadiga Congress-ka (oo ku saabsan arrimo sida maalgelinta caafimaadka iyo sharciyada siyaasadda) ayaa keenay in heshiis la waayo. Sida uu qabo sharciga Antideficiency Act, hay’ad kasta oo aan helin miisaaniyad waa inay joojisaa howlaha aan muhiimka ahayn. Taas micnaheedu tahay in adeegyo badan oo dowladdu bixin jirtay istaagayaan, shaqaalena waa la fasaxaa ama waxaa lagu khasbaa inay shaqeeyaan iyagoo aan mushaar helin ilaa heshiis cusub la gaadhayo.

Sida ay xayiraaddu u dhacdo

Caadi ahaan, hay’ad kasta oo federaal ah waxaa lagu maalgeliyaa sharciyo sannadle ah oo uu ansixiyo aqalka Congress-ku. Haddii sharciyadan aan la meelmarin, hay’aduhu waxay ku tiirsanaanayaan qaraaro sii-wadid shaqo ah oo ku-meelgaadh ah oo lagu sii wado kharashyada heerkii hore. Marka xitaa qaraarkaas sii-wadista ah la waayo, maalgelintu way go’aysa saqda dhexe 30-ka Sebtembar. Waqtigaas dowladdu waxay gashaa xayiraad: dhammaan howlaha aan muhiimka ahayn waa la joojiyaa. Hawlaha muhiimka ah – sida ammaanka qaranka, kontaroolada duulista iyo adeegyada caafimaadka degdegga ah – way sii socdaan, laakiin inta kale badankoodu way istaagaan. Tusaale ahaan, adeegyada sida amniga bulshada (Social Security) weli waa la bixiyaa, laakiin goobaha madadaalada ee dawladdu leedahay badanaa waa la xidhaa. Xayiraadihii hore waxaa sababay khilaafaad miisaaniyadeed oo la mid ah tan hadda – tusaale ahaan, dood ku saabsan xadaynta kharashka ama heerka kharash-bixinta – halkaas oo xisbiyada mid ka mid ahi diiday shuruudaha kan kale keenay ilaa heshiis la gaadhayo waa ka xayirnaan.

Muddada Ay Xayiraaddu Socoto (Taariikh ahaan)

Inta badan xayiraadihii hore waxay ahaayeen kuwo gaaban. Tan iyo 1981-kii waxaa jiray 14 xayiraad, badan koodna socday hal maalin ama laba. Xayiraaddii ugu dheerayd waxay socotay 35 maalmood laga bilaabo Diseembar 2018-kii ilaa Janaayo 2019-kii (oo ku saabsan maalgelinta darbiga xadka Maraykanka), taasoo ku kacaysay dhaqaale ah ku dhawaad $3 bilyan (qiyaastii 0.02% GDP) sida uu sheegay xafiiska la talinta Congress-ka ee dhinaca kharashaadka (CBO).
Marka laga hadlayo kan hadda, falanqeeyayaashu waxay ka digeen in khilaafkan uu socon karo wax ka dheer sidii caadiga ahayd. Xeerarka Senate-ka waxay u baahan yihiin 60 cod si sharciyada miisaaniyadda loo gudbiyo, markaa inkasta oo Jamhuurigu haystaan Congress-ka, haddana waxay u baahan yihiin taageerada qaar Dimuqraadi ah. Waqtigan xaadirka ah ma jiro qorshe cad oo xal ah, sidaas darteed suuqyadu waxay isku diyaarinayaan xayiraad dheer.

Saameynta Dhaqaalaha ee Xayiraadda

Xayiraaddu waxay u saameysaa dhaqaalaha siyaabo badan:

Shaqaalaha iyo adeegyada federaalka: Boqollaal kun oo shaqaale federaal ah ayaa la fasaxaa ama mushaar la’aan ku maqnaada. Sannadka 2025-ka, qiyaastii 750,000 shaqaale ayaa la sheegay inay saameyn kasoo gaadhay dhacdadan oo qiime ahaan ku kacaysa $400 milyan maalintiiba (inkastoo sharci ahaan mushaarka dib loo siin doono). Shaqaalaha muhiimka ah (sida TSA iyo FBI) way shaqeeyaan, balse lacag la’aan ayay ku shaqeeyaan ilaa xayiraaddu dhammaato. Hay’ado sida IRS waxay sheegeen inay haystaan oo keliya 5 maalmood oo lacag ah haddii xayiraaddu socoto. Maxkamadaha federaalka ayaa sheegay inay dhamaanayaan lacagaha shaqaaluhu dhowr maalmood gudahood haddii Congress-ku waxba qaban waayo.

Adeegyada oo joogsada: Adeegyo badan oo bulsho ayaa istaaga ama hoos u dhaca. safarka ayaa caqabado ku soo kordhaan maadaama kontaroolayaasha duulista ay shaqeeyaan lacag la’aan (xayiraaddii 2018 waxay keentay safaf dhaadheer iyo xitaa garoomo la xidhay). Adeegyo muhiim ah sida bixinta jeegga Social Security way sii socdaan, balse codsiyada cusub (sida xubinta cusub ee Social Security ama ansixinta daawooyinka) waa la hakiyay. Caawimada ganacsiyada yaryar iyo deeqaha cusub badanaa waa la joojiyaa. Qandaraasleyaasha dowladda iyo ganacsiyada ku tiirsan lacagaha dowladda waxay wajahayaan dib u dhac, taasoo dhibaato ku noqota shirkadaha yaryar.

Dib u dhaca xogaha dhaqaale: Waxaa laga yaabaa in saamaynta ugu muuqata ay tahay dib u dhaca warbixinaha dhaqaale. Warbixinnada muhiimka ah sida shaqooyinka (nonfarm payrolls), sicir-bararka (CPI) iyo GDP waa la hakiyay maadaama hay’adaha sida Bureau of Labor Statistics iyo Wasaaradda Ganacsigu xidhmaan. Tusaale , warbixinta shaqooyinka ee Sebtembar iyo xogta sicir-bararka dib ayaa loo riixi karaa ilaa maalgelinta la soo celiyo. Tani waxay suuqyada ka dhigaysaa inay ku shaqeeyaan xogihii hore, taas oo kordhisa dhaqaaqa suuqyada.

Saameynta guud ee dhaqaalaha iyo suuqyada: Dhaqaale-yahannadu waxay sheegaan in xayiraadda gaaban leedahay saamayn kooban, oo badanaa dhaqaalaha dib ayuu u soo celiyaa marka dambe. Laakiin hubanti la’aan ayaa hadda ku fidaysa suuqyada. Saamiyada ayaa hoos u dhacay, dahabkuna wuu kacay markii xayiraadda 2025 bilaabatay, sababtoo ah maalqabeennadu waxay ka baqayeen xog la’aan iyo shaqaale la fasaxay. Xeer-ilaaliyayaasha sida SEC waxay ku shaqeeyaan shaqaale kooban (qiyaastii 9%), taasoo dib u dhigta IPO-yada iyo heshiisyada bangiyada, taas oo sii kordhisa hubanti la’aanta.

Guud ahaan, xayiraad gaaban waa dhibaato siyaasadeed oo aan ahayn masiibo dhaqaale, laakiin midda dheer waxay gaabin kartaa kobaca dhaqaalaha iyo kalsoonida bulshada.

Saameynta Suuqa Lacagaha Crypto

Saameynta xayiraadda ee crypto waa mid dadban, laakiin mudan in la xuso. Saamaynta ugu weyn ee degdegga ah waa hubanti la’aan iyo dib u dhaca xogta. Ganacsatada crypto waxay si dhow ula socdaan xogta dhaqaale ee Maraykanka (gaar ahaan shaqooyinka iyo sicir-bararka) si ay u saadaaliyaan siyaasadda Fed. Haddii xogahaasi hakadaan, suuqyadu waxay ka lumaan jihada ay u socdeen. Tusaale ahaan, ganacsatada Bitcoin waxay sugayeen warbixinta shaqooyinka Sebtembar si ay u saadaaliyaan go’aannada Fed; dib u dhacaasi wuxuu kordhin karaa dhaqaaqa suuqa. Khubarada BitUnix iyo Nansen waxay sheegeen in hubanti la’aanta noocan ahi keeni karto “hoos u dhac iyo kor u kac degdeg ah” oo qiimaha ku yimaadda.

Taariikh ahaan, xayiraadaha saameyntoodu way kala duwanaayeen. 2013 (xayiraad socotay 16 maalmood inta lagu jiray suuq koraya), Bitcoin waxay kacday ku dhawaad 14%. Laakiin intii lagu jiray xayiraaddii dheerayd ee 20182019, Bitcoin waxay hoos u dhacday qiyaastii 6%. Falanqeeyayaasha crypto waxay tilmaamayaan in xaaladda guud ee suuqu muhiim tahay: haddii suuqu korayo (sida 2025), crypto waxay u badan tahay inay u adkaysato hubanti la’aanta si ka wanaagsan sida la filayo. Oktoobar 2025, Bitcoin waxay ku dhowdahay $117,000, oo ah qiimo heer sare ah. Guud ahaan, xayiraaddu waxay kordhin kartaa dhaqaaqa suuqa, laakiin ma burburin doonto jihada guud ee bull market-ka haddii xogaha si degdeg ah dib loo helo.

Qiimaha BTC Xigasho : Tradingview

Ethereum iyo lacagaha kale ee waaweyn waxay raacaan hab dhaqanka Bitcoin marka hubanti la’aantu jirto. Ilaa hadda, suuqa crypto wuxuu muujiyay adkaysi, waxaana jira filasho in haddii qiimuhu hoos u dhaco sababta xayiraadda awgeed, ay si ku meelgaadh ah qiimeeyaashu hoos u noqon doonaan. Marka la soo koobo: xayiraadda Maraykanku waxay crypto u keenaysaa hubaanti la’aan, laakiin ma aha khatar weyn oo ka dhan ah jihada suuqa ee muddada dheer.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment