In ka badan $1.8 bilyan ayaa suuqa laga saaray, waa mid ka mid ah dhacdooyinka ugu waaweyn ee ay ku khasaareen dadka suuqa kor u raacay (Long positions) sanadkan — waxaana jira falanqeeye sheegaya in Bitcoin ay hoos ugu dhici karto qiyaastii $103,000.
Ganacsatada crypto ee aadka u adeegsaday leverage-ka xad-dhaafka ah ayaa laga tirtiyay qiyaastii $2 bilyan Isniintii, taas oo ahayd mid ka mid ah khasaarayaasha waaweyn ee sanadkan dhacay, waxaana qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ku eedeeyeen arrimo farsamo halkii ay ka ahaan lahayd cilladdu in wararka soo baxaya ay suuqa daciifiyeen.
In ka badan 370,000 oo ganacsade ayaa laga tirtiray hanti dhan $1.8 bilyan 24-kii saac ee ugu dambeeyay, sida ku cad xogta CoinGlass.
Intooda badan waxay ka Trade-gareynayeen Ether iyo Bitcoin, halka altcoins kale ay si guud hoos ugu dhaceen.
Khasaarahan wuxuu yimid iyadoo guud ahaan suuqyada crypto ay lumiyeen in ka badan $150 bilyan, iyadoo qiimaha guud ee suuqu hoos ugu dhacay laba toddobaad heerkii ugu hooseeyay oo ah $3.95 trillion, iyadoo Bitcoin ay hoos uga dhacay $112,000 iyo Ether oo hoos uga dhacay $4,150, taas oo ahayd dib-u-celintii ugu weynayd tan iyo bartamihii August.
Hadda waxay u muuqataa in xaaladdu deggan tahay, Coina-kuna taageero ku meel gaadh ah heleen, balse dhibaato kale ayaa iman karta haddii la eego dib-u-celintii hore ee September-tii hore.

Trade-yada Long ETH iyo BTC ayaa ahaa inta badan ee lagu khasaaray. Xigasho: CoinGlass
Ganacsatada Crypto oo xad-dhaafiyay Leverage-ka
Aasaasaha Real Vision Raoul Pal ayaa sheegay in arrintani had iyo jeer dhacdo, isagoo ku daray: “Suuqa crypto wuxuu diiradda saaraa Breakout-yada weyn, dadku waxay ku galaan leverage weyn breakout-ka ka hor, isku dayga koowaad waa uu fashilmaa, qof walbana waa ku khasaaraa… kaddib ayaa Breakout-ka dhabta ahi dhacaa, qof walbana dibad ayaa la dhigay xilligaas.”
Xogta CoinGlass ayaa sheegaysa in tani ahayd dhacdada ugu weyn ee long liquidation ah sanadkan. Waxaa jiray dhacdooyin la mid ah dhammaadkii February, horraantii April, iyo horraantii August, markaas oo suuqyada spot ay lumiyeen boqolaal bilyan waqti aad u kooban gudahii.

Khasarihii ugu weynaa ee boosaska long-ga ah ee 2025. Xigasho: CoinGlass
Qaar kale waxay eedeeyeen leverage-ka altcoin
Cilmi-baadhe “Bull Theory” ayaa ku eedeeyay qasaarahan weyn “isku dheelitir la’aanta xad-dhaafka ah” ee leverage altcoin marka loo eego Bitcoin. Khasaaraha Ether ayaa gaadhey in ka badan $500 milyan, taas oo laba jibbaar ka badan boosaska long-ga ah ee Bitcoin.
“Marka leverage-ka altcoin uu noqdo mid aad u daran, suuqu isma indho-tiro. Hal dhaqdhaqaaq oo hoos u dhac ah ayaa kicin kara hoos u dhacyaal is xiga.”
Nassar Achkar, madaxa istaraatiijiyadda ee isweydaarsiga CoinW, ayaa sheegay in qasaarahan “uu noqon karo correction gaaban halkii uu ka ahaan lahaa isbeddel dhismeed ku yimaadda bull run-ka muddada dheer ah.”
Hoos u dhac suurtogal ah oo ku noqon kara aagga support-ga.
Bitcoin waxay kaliya dib u soo laabatay qiyaastii 13% horraantii September tan iyo heerkeedii sare ee bartamihii August. Hoos u dhaceega hadda ee ay hoos iga dhacday heerka ugu sarreeyay wuxuu taagan yahay 9.5% inkasta oo uu jiro qasaarahan toddobaadkan, taas oo ah weli ka shallaayid yar marka loo eego dib-u-celintii hore ee dhici jirtay sannadaha bull market-ka.
BTC waxay hoos u dhacday 8 ka mid ah 13-kii September ee u dambeeyay balse weli waxay kor u kac qiyaastii ah 4% ku jirtaa bishan. Taariikh ahaan wuxuu si fiican u kacaa qiimuhu “Uptober (October-ta kor u kaca).”
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo