Sanadkan 2025-ka, muuqaalka guud ee qodashada Bitcoin waxaa si buuxda u hogaaminaya shirkado waaweyn iyo awood hash oo lagu mideeyay meelo gaar ah (pools). Si kastaba ha ahaatee, sannadkan waxaa muuqda guulo dad kaligood Bitcoin qota (Solo Miners) ay si lama filaan ah u gaadheen isla markaana muujiyeen in shabakadda Bitcoin ay weli tahay mid daahfuran oo cidna aad fasax uga baahnayn (permissionless). Shanta Bitcoin qodayaal ee madaxa bannaan oo aan ka tirsanayn kooxaha waaweyn ee wada Mine-gareeya ayaa awooday in ay helaan oo ay qodaan block mid walba kaligii, iyagoo ku guuleystay abaalmarinno ka badan $350,000 midkiiba. Inkastoo dhacdooyinkani ay yihiin dhacdooyin tirakoob ahaan oo aad u naadir ah, haddana waxay iftiiminayaan sida isku darka dhaqdhaqaaqyo shabakadda oo sarey u kaca, khidmadaha oo kordha, iyo qiimaha Bitcoin oo xooggan uu ugu beddeli karo qalab yar shaqadiisa lacag abaalmarin ah oo weyn.
Guulaha waaweyn ee 2025-ka ay gaadheen Solo Miners-ku
Shanta block ee cajiibka ah ee ay ku guuleysteen kaligood sanadka 2025, waxay ku kala firdhanaayeen jadwalka sanadka, iyadoo mid walba ay ku kala duwanaayeen xajmiga iyo khidmadaha, balse dhammaantood waxay bixiyeen abaalmarin weyn oo kala ahaa baalmarinta block-ga oo dhan iyo dhammaan khidmadaha macaamilka.
Mid ka mid ah tusaalooyinka hore wuxuu ka shaqeeyey oo ansxiyay in ka badan 3,000 oo macaamil ah, wuxuuna helay qiyaastii 3.15 BTC. Kuwo kale oo dhacay bishii Luulyo, Agoosto iyo Sebtembar waxay bixiyeen qiyaastii 3.125 BTC oo lagu daray khidmadaha oo sare u qaaday lacagaha ilaa boqolaal kun oo doolar. Guulahaasi goonida ah waxa ay muujiyeen isticmaalka adeegyo u gaar ah qodayaasha Bitcoin iyo qalab kala duwan, taas oo caddeynaysa in farsamooyin kala duwan mararka qaar ay jebin karaan filashooyinka.
Sida ayay Solo Miners-kan ugu guuleysteen hantidan
Qodayaasha Bitcoin ee kaligood qota Bitcoin (Solo Miners) badanaa inay wax helaan waa mid nasiib ku xidhan. Shirkadaha waaweyn oo awooddooda lagu cabbiro exahashes, ayaa si joogto ah u hela inta badan blocks-ka, halka Solo Miners-ku ay helaan fursado maalinle ah oo aad u yaryar.
Sanadkan 2025, isku darka baahi macaamil oo joogto ah, suuqa khidmadaha oo ka weyn sidii hore, iyo qiimaha Bitcoin oo inta badan ka sarreeyay boqollaal kun ayaa kordhiyay qiimaha block kasta oo la helo. Markay guuleysteen qodayaasha Bitcoin ee madaxa bannaan, waxay isku heleen abaalmarintii aasaasiga ahayd iyo khidmadihii suuqa oo qaali ahaa, taasoo abaalmarin yar ka dhigtay guul weyn. Guulahan lama filaanka ah waxay u badan yihiin xaalado ku meel gaadh ah oo hadba xaalaha suuqa iyo shabakadaha mid la xidhiidha ah, halkii ay ka ahaan lahaayeen isbeddel joogto ah oo ku saabsan faa’iidada Solo Miners-ka.
Doorka Hash Rate-ka ee qodashada Bitcoin
Hash rate-ku waa qodobka ugu muhiimsan ee go’aamiya guusha qodashada Bitcoin. Waxay cabbirtaa awoodda kombiyuutarka waxayna si toos ah u saamaysaa fursadda qoduhu uu ku xallin karo halxidhaalaha cryptography-ga ee abuuraya block-ga. Intii lagu jiray 2025, heerka hash-ku si weyn ayuu u kordhay, taasoo sare u qaaday heerka adayga (difficulty) isla markaana ka dhigtay guulaha joogtada ah ee cid kaligeed Bitcoin qodanaysa mid aad u adag. Borotokoolka Bitcoin wuxuu hagaajiyaa heerka adayga 2,016-kii block ee kastaba, si loo ilaaliyo waqtiga celceliska block-ga oo ku dhow toban daqiiqo, taasoo hubinaysa xasillooni iyo tartan sii kordhinta.
Qalabka yar ee lagu cabbiro terahashes ama petahash keliya, fursaddiisa helitaanka block maalin kasta aad bay u hooseysaa—taas ayaana ka dhigaysa guulahan mid faro-ku-tiris ah.
Qalabka iyo Madalaha ka caawiyey inay helaan lacagtan
Madalaha loogu talagalay Solo Miners-ka, sida Solo CKPool iyo adeegyo la mid ah, ayaa bixiyey kaabayaasha muhiimka ah: isku xidhnaan joogto ah oo shabakadeed, habraacyo lacag bixineed oo sahlan, iyo qalab lagu kormeero hawsha. In kasta oo adeegyadaasi aanay beddelin bakhriyaa nasiibkooda, haddana waxay yareeyaan caqabadaha farsamo, iyagoo u oggolaanaya in Solo Miner kasta uu had iyo jeer diyaar u ahaado inuu qaato abaalmarinta haddii uu block helo.
Si kastaba ha ahaatee, Qodashada Bitcoin waxay u baahan tahay inaad maalgeliso qalabka ASIC iyo kharash joogto ah oo koronto ku baxaya, taas awgeed dadka xiiseeya intooda badan uma noqon karto ganacsi joogto ah. Guulaha 2025-ka waxay ahaayeen dhacdooyin aan caadi ahayn oo ay suurto geliyeen qalabyo casri ah iyo xaaladaha wanaagsan ee shabakaduhu galeen.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo